U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye Oo Sheegay In Xeer Ilaaliyaha Ay Sharciga Ku Kala Bixi-doonaan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo maanta ka jawaabayey eedeynta Xeer-ilaaliyaha qaranka ee la xiriirtay qaran dumis ayaa sheegay in Xeer-ilaaliyaha aanu fahamsaneen micnaha eragya, isaga oo yiri “Sida aan ka fiirsashada laheyn, xad-gudubka ahaa uu xeer ilaalilaha igu soo eedeeyay  in ay galeen qaran dumis, qaran dumis in afka laga yiraahdo waa sahlan tahay, laakin waxaa filaa in aau xeer ilaaliyuhu fahmin waxa uu qaran dumis uu yahay, baaxadda ay la eg tahay eraygaasi in aanu famin, qof kasta oo waxgarad ah waa dareemi karaa in qaran dumis aanu dalkani ka jirin

Xildhibaan Saabir waxaa uu sheegay in ujeedka arrintaas laga lahaa ay aheyd sharaf dil balse ay dhicisowday, Xeer ilaaliyahana ay sharciga ku kala bixi-doonaan “Nin Xildhibaan ah, oo subax walbo u shaqo tago golaha shacabka oo shaqadiisa wata, sheegta afkaartiisa xorta ah in lagu tilmaamo qaran dumis taasi waxaa ay ila tahay xad-gudub, waxaana sharaf ah  in guddoonka baarlamaanka ay jawaab iyo faah-faahin ka bixiyeen, waana uga mahadcelineysaa”.

Xildhibaan Shuuriye waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aanu ogolaan-doonin caburis, isla markaana ay sii wadayaan isla xisaabtanka

“Waxaan u sheegeynaa in aan nala caburin karin, xaq ayaa u leenahay madaxweynuhu  haddii uu dastuurka jabiyo qodobadiisa qodob ka mid ah, waxaa waajib nagu ah oo aan u dhaaranay in aan la xisaabtanno, la xisaabtankiisa ma aha in aan madaxa ka salaaxno, la xisaabtankiisa waxaa weeye soo jeedin in aan keenno, baarlamaanka dhex-keenno, xilka looga qaado, waxaan rajeyneynaa madaxweynaha hal ma aha, labo ma aha, saddex ma aha, tii u dambeysay  oo lagu weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakur  waa qodob dastuuri ah..oo aan loo soo marin shuruucdii dastuuriga ahaa, waa qodob dastuuri ah oo la jabiyay, madaxweynuhu kaas ayuu xilka ku weyn karaa.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye ka hadlay in hadalkooda wax badan ku badbaadeen oo madaxweynaha shacabka u dhiibi lahaa mid mid sida Qalbi-dhagax “Waxaan u sheegeynaa bulshada Soomaaliyeed oo marka ay maqlaan mooshin mooda qaran dumis, waa in ay kala saaraan oo kala ogaadaan, la xisaabtan shakhsiga ah iyo dowladnimada, dowladnimada innaga ayaa dowladddii ah, ma aha dowladda waxa la duminaayo, qofkii mooshin ka hadlaa, shacabka waxaa laga dhaadhiciyay in dowladda dumeyso, dowladda ma dumeysee, mooshinka waxbuu toosiyaa, mooshinka waa la xisaabtan, qofkii dastuurka jabiyay ayuu la xisaabtamaa…..madaxweynaha haddii aan faraha idinkaga qaadno shacabow sida Qalbi-dhafax ayuu hal hal idiin dhiifinayaa, waxuusan idiin dhoofin karin, waa innaga waxa hortaagane ogaada taas, ha walwalnina, qof la badalaa iyo dowladnimo yeysan idiinka qaldamin, madaxweynaha hadduu qaldamo 4 sano maxaad u heysanee, waa la iska badaa madaxweyne kale ayaa la keenaa….annaga u dikrin meyno madaxda waa la xisaabtameynaa,

Goobjoog News