U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdisamad ” Dib u Dhaca  Shaxda Habraaca Doorasho Waa Mid ku Talogal ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dib u dhac kasta oo doorashada ku yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadanayaan madaxda sarsare ee dalka, waxaanuu tilmaamay in uu aaminsan yahay in si ku talogal ah dib u dhaca looga warhayo.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn waxa uu shaki galiyay in doorashadu ay ku qabsoomeyso wakhtigii lagu talogalay:

“Sidaad ka war qabtaan, madashu marka ay isku yimaadeen waxay soo gudbiyeen shax iyo wakhti ay wax ku dhacayaan oo qaabka marka ay doorashadu dhacayso, hadeertaanna waxaa runtii muuqata in sidii loogu talagalay dib u dhacyo iney ka jiraan, waan is leeyahay wakhtigii sidii loogu talalgalay ma noqon doono dib waa u dhici doonaan, laakiin wali waxaa igu jirto rajo ah in inta lagu gudo jiro mudadan 2016 doorashadu ay dhici doonto ayaan aad u rajo weynahay, balse hadda waa muuqataa inuu dib u dhac uu jiridoono ama isbuucyo ha noqoto ama bilo ha noqotee”.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa aaminsan in dib u dhaca hadda ka muuqda shaxda habraaca doorasho inuu yahay mid ku talogal ah:

“Soomaaliya waxaa go’aankeedu ahaa iney isku tashadaan si ay doorasho u dhacdo, haddii la isku tashadana waxaan is leeyahay waa dhici kartaa, waxaan is leeyahay waxaa jirta inaan wali loo diyaar garoobin doorashadii iney wakhtigii loogu talalgalay ku dhacdo, waxaana ku tusineysaa arrimaha maanta laga hadlayo waxay ahayd in wakhti hore laga hadlo oo mar hore la diyaariyo, waxaad moodaa dib u dhaca dhacaya ama maamul xumo ha u dhaco ama ku talgal ha u dhecee, maaha mid iska yimid waa wax la ogsoon yahay oo laga war qabo baan aad u aaminsanahay” .

“Soomaaliya nolosheedu kuma wada dhisna dhaqaale beesha caalamka laga helay, 2012-kii doorashadii dhacday daymankii la galay ayaa wali hadda Soomaaliya ku taagan oo wali dowaladda Soomaaliya laga sugayaa, dhaqaaluhu xoogaha yar oo dib u dhac ah inuu keeno waa laga yaabaa, laakiin doorasho iney dhacdaa waa khasab, ama dhaqaale ha loo hayo ama yaan loo hayn, haddii dhaqaale loo waayo mas’uuliyiinta ugu sarsareysa ee dowladda ayaa qaadaysa dib u dhaca doorashada, waddanka dhaqaalo farabadan baa soo galay mid gudaha ka soo galay iyo mid dibadda ka yimidba, in waddanka ay doorasho ka dhacdo waa arrin aan marnaba laga fursan karaynin”.

Jadwalka hanaanka doorasho ee lasoo saaray bishii Juun, ayaa waxaa ka muuqda goldaloollo iyo dib u dhac, taas oo walwal badan galiso xubno siyaasiyiin ah oo ka walaacsan in dalka doorashadiisu ay dib u dhacdo.

Goobjoog News