U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud “Sharciga Ma Ogola Xildhibaan Fasax La’aan Isaga Maqan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu uga hadlay arrimaha ku aadan ka maqnaanshiyaha xildhibaanada qaar ee kulamada baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xeer hoosaadka baarlamaanka uu qabo in inta uu Ajende furan yahay aan fasax baarlamaanka la geli karin, waxaana uu tilmaamay mudanaha in ay aad looga xumaado xildhibaanada qaarkood inay kulamada ka maqnaadaan fasax la’aa.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa tilmaamay in mararka qaar ay dhacaan in la siyaasadeeyo fadhiyada baarlamaanka oo xildhibaanno ay iska maqnaadaan, si guntanka Baarlamaanka ku furmi lahaa aanu u dhamaan.

Baarlamaanka ayuu tilmaamay in xilligaan ay horyaallaan shaqooyin aad u badan, una baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Dhinaca kale xildhibaan Cabdisamad ayaa mar uu soo hadal qaaday mooshinka ka yaalla madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu sheegay in guddonka uu hayo Mooshinka, islamarkaana uu sheegay Guddonka inuu ka fiirsanayo, wada tashi badanna gelin doono arrintaasi, maadaama mooshinkii ugu horeeyay ee noociisa la geeyo Baarlamaanka uu yahay.

“Gudoonka waxa uu sheegay in arintaan ay tahay mooshin culus oo laga keenay Madaxweyinii dalka ugu sareeyay, tahayna markii ugu horeysay oo Afhayeen Baarlamaan Soomaaliyeed uu qabto mooshin noocaan oo kale ah, waxa uu sheegay inuu u baahan yahay Latashiyo badan, meello badan wax ka fiiriyo, inaan lagu dedejin, laguna cadaadin inuu go’aanno qaato, sidaas ayeeyna xildhibaannada ku qanceen oo jaanis ay u siiyeen guddomiyaha si uu uga fikiro, waxaana uu balan qaaday in mar walba uu ku dheganaan doono sharciga oo aanu hareer mari doonin” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka geeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib eedeymo dhowr ah oo ay usoo jeediyeen, dhanka kale waxaa iska batay baaqashada kulamada baarlamaanka, arimo la xiriira Kuntan la’aan awgeed.

Goobjoog News