U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdisamad Macallin oo Madaxda Soomaalida ku Eedeeyay iney Hareer Mareen Dastuurkii Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dastuurkii qaranka uu hadda magiciisii oo kaliya taagan yahay, iyadoo aaney jirin cid ku dhaqanta, waxa uuna ku eedeeyay madaxda Soomaalida iney go’aanka ku gaaraan talo iyo ra’yigooda gaarka ah oo wax sharci ah aan ku saleysneyn.

Xildhibaanka oo aan wareysi kala yeelannay war-murtiyeedkii shirkii madasha ee dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho iyo qodobka muranka dhaliyay ee aqalka sare ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxda shirka madashu ay hareer mareen dastuurka dalka cid hadda ku dhaqanta Datuukana aney jirin.

“Dastuurka  hadda magaciisa ayuunbaa la sheegayaa mooyaane waxaad la socotaa in baryahan dambe aan dastuurka la isticmaalin.Dastuurku in kastoo aanuu aayad qur’aan  oo aanuu ahayn waxyi Illaahay xaggiisa ka yimid, hadana waa wax ay dadka Soomaalidu sameysteen oo ay iney ku dhaqmaan u sameysteen, dowladda hadda maanta dhisanna ay kusoo dhisantay, isagii ayaad mooddaa in gabi ahaantiiba la laabay  oo cid ku shaqeysaaba aaney jirin, dastuurna lama raacin. Haddii dastuurka la raaci lahaa wax unbay ahaan lahayd, waxay wax ku xalliyaan aniga sidaas ayay ila tahay(ra’yi).”, ayuu yiri xildhibaan Cabdisamad

Arrinta maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayuu xildhibaan Cabdisamad ku tilmaamay iney habbooneyd in dhinacyo badan laga eego oo haddii ay maamul sameystaanna ay dadkooda wax la qeybsadaan sida maamullada kale, haddii ay suurtogali waysana waxay ahayd in qorshe laga yeesho, si aaney u soo bixin caqabad cusub oo ku aaddan dhanka doorashooyinka.

Dastuurka Kumeel gaarka ah qodobkii 72aad waxa uu qorayaa habka loo qeybsanayo aqalka sare oo la sheegay in si siman ay u qeybsnayaan xubnaha dowaladaha qeybta ka ah federaalka, wadarta kuraasta aqalka sare ayaa noqoneysa 54 xildhibaan, arrinkan ayaa ka duwan  habka hadda loo qeybiyay kuraasta aqalka sare, waxaa tiro dheeraad ah loo ogolaaday maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoo go’aanka qeybisga kuraasta aqalka sare aaney jirin wax sharci ah oo loo cuskaday laguna saleeyay.

Goobjoog News