U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdisamad Oo Sheegay In Dhagxaanta Lagu Gooyay Waddooyinka Ay Dhibaato Ku Yihiin Bilicda Iyo Amniga Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa aad u dhaleeceyay dhagaxaanta waddooyinka lagu xirtay oo uu ku timaamay mid waxyeello u geystay amniga iyo bilicdii magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay dhibaatada ay dhagaxaantu u geysataan shacabka ayaa sheegay “Waxyaabaha sababta u ah in lagu dhiirado goobaha halbowlaha ah ayaa kamid ah in la aamney dhagaxaan, waxayna caqabad ku yihiin shacabkii la rabay in loo adeego,  qofkasta oo wasiir ah ama hay’ad ah uu waddooyinka halbowlaha ahaa goynayo ama laamigii dhex bartankiisa la goynayo waa arrin shacabka dhibaato weyn ku haysa, waxayna wax u dhintay sumcaddii magaalada Muqdisho oo ahayd meeshii uu dadku fiirinayay, waxayna ka dhigtay magaaladii meel cabsi ah, shacabkii iyo ciidamadii amnigana niyad jab ku ridday, qolooyinkii cadawgana niyadda u dhistay, arrintaasi meelna amniga kama soo gasho meelna kama dhiirrigelineyso, wax looga baahan yahay lama arko, sabab dhagaxaan dariiqyada loogu gooyo lama arko”.

Xlildhibaanka oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Waxaa amniga lagu dhisaa waa in shacabka iyo hay’adaha amniga la isku xiro, hay’adaha ammaankana aaney shacabka wax dhibaato ah u geysan, shacabkuna ay aaminaan hay’adaha amniga si ay ula shaqeeyaan in kalsoonidaas la abuuro mooyaane, dhagax meel lagu xiray wax macno ah oo ay amniga u soo kordhineyso ma laha, in dhagax meel lagu xiraa waa fikarado dibadda laga keenay oo ay hay’adaha caalamiga ah ay wataan, laakiin magaaladan u muujineysa meel aan ammaan ahayn isla markaana cabsi farabadani ka jirto, waxaa wanaagsan in la dhirrigeliyo ciidamada ammaanka, xil gaar ahna la iska saaro si ay u helaan qalabkii ay u baahnaayeen laakiin aaney ahayn in la waxyeeleeyo Bilicdii iyo sumacaddii Magaalada”.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiran waddooyin farabadan oo muhiim ah isla markaana ay  adeegsan jireen dadweynaha halbowalana u ahayd isku socodka gaadiidka, sida wadada isku xirta tarabuunka iyo Namber-afar, waddooyinka xiran guud ahaan waxay magaaladii  ka dhigeen meel bilicdeedu aaney wanaagsaneyn isla markaana cabsi laga dareemayo