U bood dhigaalka

Xildhibaan Cali Cabdi: Dowladda Federaalka Ah, Maamulka Koonfur Galbeed Arrimihiisa Faraha Ha kala Baxdo

Sheeko:Dalka

Asalaamu Caleykum,  Dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan shacab dega deegaanada Koonfur Galbeed, waxaan halkan dardaaran uga soo jeedinayaa dadka dega deegaanada Koonfur Galbeed, Xildhibaanada KG iyo Dowlada Fedaraalka arimaha la xariira Doorashada Madaxweynaha ee Maamulka  Koonfur Galbeed ee dhawaan dhici doonta;

  • Dhammaan dadka Dega Deegaanada Koonfur Galbeed Waxaan kula dardaar mayaa in ay ilaashadaan Nabadooda ayna muujiyaan deganaansho iyo Xasilooni kana fogaadaan wax walbo oo keeni kara burbur, amni daro iyo qalqal iyada oo laga faa’ideysan khifaalka dhexdiina. Waa muhiim in aad dib u eegtaan halkii laga yimid iyo horumarka lixaadka leh ee ka socda Koonfur Galbeed.
  • Dhammaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed idinka ayaa metala shacabka ku nool Degaanada KG, Waxaan idin kula dardaar mayaa in aad ka shaqeysaan maslaxada guud, deganaanshaha siyaasada iyo ka hor taga wax walbo oo wax u dhimaya midnimada dadka dega deegaanada KG, waxaa loo baahanyahey in aad u doorataan hoggaamiye Wanaagsan oo samata bixin kara umadaas dagaalada, colaadaha iyo abaaraha ragaadiyeen aadna u xushaan shaqsi wax ka qaban kara Arrimaha Ammaanka, Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Horumartinta Bulshada.
  • Dowlada Fedaraalka waxaanu kula dardaar mayaa in ay ka deyso faralinta qaawan ay ku heyso Doorashada Maamulka Koonfur Gabdeed iyo arrimihiisi, Shacabka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanadiisa ayaga ayaa garanaya qofka dantooda ku jirto ee degaanadooda madax ka noqonaayo. Waxaan Dowlada Federaalka u sheegayaa in ay qaadi doonto cawaaqibta iyo masuuliyada wax walba oo dhib ah ee ka dhaca Degaanadda Koonfur Galbeed.
  • Dowlada Fedaraalka waa in ay  dhowrtaa Nidaamka Fedaraalka ee Maamul Goboleeyada, ayaga ayaa iska leh sharciyada nidmaamkooda iyo hanaanka doorashadooda, waana sababta Nidaamka Fedaraalka loo qaatey in deegaan walba aayahiisa ka tashado iyo in ay doorasho u sameystaan sidoo kalena doortaan qofkii deegaanadooda anfacaya danta deegaankana ka shaqeyn kara.
  • Dowlada Fedaraalka waxaan markale kula dardaarmayaa in Maamulka Koonfur Galbeed arimihiisa faraha kala baxdo. Waxaana leeyahay Shacabka Koonfur Galbeed godob yaanan laga gelin oo taariikh xumo yey idinka raacin.

W/Q:  Cali Cabdi Cusmaan.

Cali Cabdi Cusmaan,  waa Xildhibaan Ali ka tirsan golaha shacabka, ahna Gudoomaha Gudiga Maliyada iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowlada ee golaha shacabka.