U bood dhigaalka

Xildhibaan Cali Nuur oo Ka Hadlay Caqabado Ku aaddan Deegaannada Doorashooyinka Dadban ee Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo ka tirsan baalramaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay caqabado muuqda oo soo waajahaya degaan doorashooyinka dadban ee dalka.

Xildhibaanka oo aan wareysi kala yeelannay shirka madasha wadatashiga ayaa hadalkiisa ku bilaabay;

“Shirkani waxa uu ka mid ahaa taxanayaasha shirarkii hore usoo qabsoomay ee ka dhacay Muqdisho, Baydhabo; kuwaas ayuu daba socdaa, ujeedada loo qabtay waa in lagu dhameystiro waxyaabihii ku dhamaan waayay shirarkii hore, waxyaabaha diiradda saarayna waxaa ka mid ah jadwalka doorasho iyo dib u dhaca la gali karo, goobaha doorashadu ka dhici doonto, kuwa cayimanna waa cayiman yihiin kuwa kalena in la isla meel dhigo waxa laga yeeli doono”.

“Waddankani nidaam federaal ah ayuu qaatay maamulada qaar wey dhismeen qaarna ma dhismin, kuwo horey u dhismay oo nidaamka federaalka ee hadda la qaatay ka horeeyayna waa jireen, Somaliland ma ogola iney qeyb ka tahay nidaamka federaalka ee hadda jira, laakiin waa dhul Soomaaliyeed oo dadka Soomaaliyeed ma ogola iney goonni isku taagto, sidaa daraadeed dowladda Soomaaliyeed mar walba waxay ku khasban tahay in Somaliland ay qeyb ka ahaato nidaamka wax qeybsiga, qeyb ka ahaantaa ayaa marka waxay keentay iyagii oo maqan iney go’aanno soo baxaan, Somaliland waa qodobka ugu culeyska badan ee taagan marka laga hadlayo goobaha ay doorashadoodu ka dhacayso”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Cali Nuur.

Xildhibaanka ayaa tilmamay in caqabadaha kale ee doorashada ku gudban ay ka mid yihiin Khaatumo oo ah dad Soomaaliyeed oo baarlamaanka ku leh xildhibaanno u matala qaranka, dhanka kalena ay isku haystaan Somaliland iyo Puntland oo mid kastaaba uu doonayo in isaga la raaciyo,dhanka degaan doorashada, taasina ay tahay caqabad kale.

Xildhibaanka ayaa sheegay in caqabadda kale ee ka iman kara goobaha doorashada ay ka mid tahay maamulka aan dhismin ee Hiiraan iyo shabeellaha dhexe:

” Qodobka kale ee ku xiga ee muranku ka taagan yahay marka la eego deegaanada ay doorashadu ka dhici karto, waa Shabeelaha dhex iyo Hiiraan; waan ka dharagsan nahay in isku darkoodii ay caqabad ka taagan tahay oo aysan dhameystirmin, hadii aysan dhameystirminna nidaamka federaalka ee hadda doorashadu ku socoto sida uu noqon doonaa? Waxaa la yiri aqalka sare waxaa soo xuli doona madaxda maamul goboleedyada ka dibna waxaa ansixin doona baarlamaanka uu gobolkaasi leeyahay, goboladaan aan maamulku u dhisneyn iyo kuwa aan la tagi karin sida Somaliland oo kale, caqabadahaa sidii loo furfuri lahaa ayaa looga fadhiyaa”.

Si kastaba, guddiga heer qaran ee doorashooyinka dadbadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Jadwal cusub oo lagu galayo doorashada iyagoo si rasmi ah ugu dhawaaqay wakhtiga doorashooyinka dalka.

Goobjoog News