U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Hadlay Qodobo La Filayo In Xal Looga Gaaro Shirka Madasha Ee Maanta Ka Furmaya Magaalada Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa ka hadlay shirka madasha Baydhabo waxyaabaha la filayo iney madaxda qaranku uga hadlaan iyo muhiimada uu shirkaasi u leeyahay doorashda dalka .

Xildhibaanku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay in shirkani uu daba socdo shirarkii hore ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka:

“Shirkani shir hadda bilowday oo hadda la curiyay maaha, waxa uu raad la leeyahay shirarkii is daba joogga ahaa  ee golaha madashu ay qaban jireen oo meelo badan oo waddanka ah oo kala duwan lagu qabtay Kismaayo lagu qabtay oo Muqdisho lagu qabtay dhowr jeer oo Garoowe lagu soo qabtay ayuu horta daba socdaa, go’aanadii muqdisho kasoo baxay oo qaarkood ay qabyo ahaayeen ayaa la doonayaa in lagu dhameystiro”.

Waxa uu ka hadlay muhiimadda gaarka ah ee shirkan uu leeyahay:

“Muhiimada shirka loo qabanayaa waxay tahay maadaama hadda dalku qaatay nidaam federaali ah oo maamul goboleedyo ay abuurmeen, nidaamkaa federaaliga ah ayaa keenaya in waxyaabo badan heshiis laga gaaro, tan ugu daran waa habka doorashda dadban sidey u dhici doonto”.

“Waddankii waxaa loo qeybiyay 6 maamul goboleed maamul goboleed kasta tirada xildhibaanada ku aadaysa iyo meesha ay doorashadoodu ka dhacayso iyo nidaamka ay doorashadu u dhacayso, waxyaabo yaryar oo ay ahayd in dib looga soo tashado ayaa ka dhinaa, shirkaa baydhabo ayaa la rabaa in lagu dhameystiro”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaan Cali Nuur waxa uu carrabka ku dhuftay inuu filayo in Saddex qodob si gaar ah xal looga gaaro:

“Qodob waa ah in xubnihii odayaasha ahaa ee xildhibaanada soo xulay ee 135 ahaa oo horey loogu heshiiyay in wixii dhintayna laga heshiiyo wixii la isku haystana la saxo, wixii lasoo buuxin karo waa la buuxiyay, laakiin waxaa dhiman shakhsiyaad la isku haysto oo reer Somaliland u badan oo loo ballamay in shirka Baydhabo lasoo dhameystiro, qodobka kale waa Muqdisho iyo masiirkeeda waxa laga yeelayo, iyo qodobka sadexaad oo looga hadli doono wakhtiga yar ee hadda haray doorashadu ma ku qabsoomi kartaa, hadaaney ku qabsoomi Karin maxaa laga yeeli doonaa, amniga goobaha doorashadu ka dhacayso maxaa lagu ballamay, waxyaabo noocaas ah ayaa la filayaa inuu shirkan kasoo baxo”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay iney jiraan waxyaabo badan oo sharciga hareer marsan baarlamaan ahaanna aaney ogoleyn, laakiin ay haddana maslaxadda guud ay wax kasta ka hormarinayeen iyo in dowladnimadu sii socoto is qabqabsi la’aanna doorashda lagu aado oo aan dib looga dhicin wakhtigeedii.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa waxa uu ka hadlay guddiga doorashooyinka heer federaal ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo dood badan dhaliyay siyaasiyiin farabadanna ay ka soo horjeesteen, waxa uu xildhibaanku sheegay inaaney jirin sabab guddiga lagu dhiliilo maadaama ay jiri doonaan kormeerayaal caalami ah oo doorashda iyo sida ay wax u socdaan kor kala socon doona, wasiiraduna ay yihiin kuwa gacanta ku haya talada dalka oo hadaba maamula.

Maanta ayaa lagu wadaa inuu magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay uu ka furmo shirka madsha oo la filayo inuu yahay kan ugu dambeeya ee madaxdu isku arki doonaan ka hor doorashda bilsha Augosto ee 2016 ka dhacaysa guud ahaan dalka.

Goobjoog News