U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Cawad Cashara Oo Eedeyn u Jeediyey Madaxda Sare Ee Dowladda Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara oo horey uga tirsanaa barlamaanadii KMG ahaa ee dalka soo maray oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in madaxda dalka maamushaa ay sharci darro dalka u horseedeen, isagoo shirka golaha madashana ku tilmamay mid sharciga hareer marsan oo aan meelna uga qorneyn dastuurka dalka.

Xildhibaan Cawad ayaa waxa uu ka hadlay golaha madashad wadatashiga qaran, muddo kororsiga baarlamaanka hadda jira iyo wakhtiga xilhaynta madaxweyne Xasan ka harsan iyo arrimo kale.

Xildhibaan Cashara ayaa sheegay in go’aannada ay qaataan madaxda madasha wadatashiga qaran aysan aheyn wax dastuuri ah, taasina ay meel ka dhac u tahay shuruucda dalka u degsan ee loogu talogalay in lagu maamulo bulshada  dowladnimadana lagu hago, isaga oo sidoo kale sheegay in muddo kororsiga baarlamaanka hadda jira  iyana tahay mid aan sharci ahayn.

” Madasha niman la yiraahdo oo dastuurka aan meelna kaga ool, howsha ay galayaan oo wada qabanayaan oo meel kulmisa oo tusta waxa ay qabanayaaan aanay jirin, waxa weeye si sharci darro ah ayaa loo maamulay, waxaa kale oo jirta wax lagu tuntay sharcigii, madaxweynaha maanta jira waxa uu dhamaanayaa wakhtigiisu bisha 9-keeda, baarlamaanka kordhinta wakhtiga loo kordhiyey iyo dariiqa loo maray midna sax maaha, waxaa kale oo taa kasii culus in madaxweynuhu yiraahdo meel Puntland la yiraahdaa waa Labo gobol, dabadeedna waxaan mideynayaa Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan intay isku tagaan iyaguna sagaal ha sameysteen, sharciga meel buu kaga dhacay, waxa uu jideeyay xaaraan in lagu maamulo qaranka Soomaaliyeed oo degmooyin lagu sameeyo iyo gobollo, Soomaaliya 18 gobol bay ka kooban tahay Puntland waxay sameysatayna sharci maaha, gobollada waqooyi sharci maaha, kuwaa uu hadda jideynaayana waa sharci darro” ayuu yiri Cashara.

Xildhibaan Cashar waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh uu ku eedeeyay inuu xuduuddii aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu xalaaleeyay oo uu ka dhigay mid rasmi ah, waxa uu tilmamay in dalka Kenya in dacwad xuduudda iyo badda toona in lala furaa aaney habooneyn taasina ay ka soo horjeeddo shruucda dalka oo leh shircigii badda oo qeexayay xuduudda dariska iyo qaabka loo xariiqayo labadaba.

Waxa uu ku tilmamay madaxda hadda ee mar labaad isasoo sharaxday iney yihiin kuwo fashilmay, shacabkuna ay ka digtoonaadaan.

“Ninmankaa faashiliinta ah ee 4sano ku fashilmay iney shacabka Soomaaliyeed Hoggaamiyaan ayaa maanta haweysanaya iney mar kale isasoo sharaxaan, iyagoo lacagtii xaday oo Banankii xaday, maaha maalin ay haweystaan madaxtinimada Somaliya ee waxay ahayd in maxkamad lagu qaado”, waana sida uu hadalka u dhigaye.

Magaalada Muqdisho ayaa Isniintii Shalay  ka furmey shirka madashada wadatashiga qaran oo madaxda qaranka kaas oo lagu sheegay midkii ugu dambeyay ee madaxadu iskugu timaaddo ka hor doorashada 2016.

Goobjoog News