U bood dhigaalka

Xildhibaan Cawad “Wixii go’aan Gaaris Ah Waxaa Is Ka Leh Baarlamaanka Ee Malahan Madashu”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ee baarlamaankii 9-aad ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo hadal ka jeediyey munaasbaddii lagu dhaarinayey xildhibaannada Labada aqal ayaa ugu baaqay xildhibaannada iney la yimaadaan shaqooyin dheeraad ah iyo dhameystirka howlaha harsan.

Xildhibaan Cawad ayaa sheegay in Baarlamaanka 10-aad laga doonayo inuu dhameystiro arrimo uu Dastuurka uu ku jiro, sidoo kalena laga doonayo iney go’aan ka gaaraan shuruudaha xildhibaannada musharraxiinta madaxweyne.

Mar uu soo hadal qaadey Madasha hoggaanka Qaran ayuu sheegay in wax badan ay soo qabteen, balse maanta wixii ka dambeeye dalka uu leeyahay baarlamaan, sidaasi darteed wax walbo oo shaqo ah xildhibaannada Labada aqal ay go’aan kasoo gaari doonaan.

“Shaqada ugu horreysa ee u taalla Labada aqal ayaa ah iney ka doodaan wax ka bedalaan, wax ku kordhiyaan, wax ka saaraan xeerka KMG ah ee goloyaashan howshiisa hagi doonta waqtiga doorashooyinka guddoonka iyo madaxweynaha, waxyaabaha la idiin soo gudbiyey waxaa ku jira qodobo badan oo ah wax ay madashu soo gaartey laakiin aan Dastuurka ku jirin, hadda wixii ka dambeeyey waxaa dhismay Baarlamaankii 10-aad, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya baarlamaanka rasmi ah bay leedahay, wixii go’aan gaaris ah waxaa is kaleh baarlamaanka ee madashu malahan, madashu Hoggaanka qaran door muhiim ah bay soo qaateen, wayna ku mahadsanyihiin, laakiinse hadda wixii ka dambeeya baarlamaankan ayaa taladiisa la wareegay, waxaan rabaa inaan idiin tilmaamo meelaha la doonayo oo si waafi ah looga soo baaraan dego” ayuu yiri xildhibaan Cawad.

Xildhibaananda Labada aqal ee baarlamaanka ayaa la filayaa in Todobaad gudahiisa ay kusoo doortaan guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada Labadaasi aqal.

Goobjoog News