U bood dhigaalka

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Ololaha Siyaasadeed ee 2016 Qof kasta Walwalkeedu Wuu Hayaa”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay xilliga kooban ee u harsan iyo waxa ay qaban karaan ayaa ka  dhawaajiyay in uu jiro walwal  ku aaddan dhanka ololaha doorasho ee 2016 laakiin ay tahay in xildhibaanadu ay waajibaadkooda marnaba illaabin.

Xildhibaanka ayaa ka hadalay mudada u harsan baarlamaanka oo uu ku sheegay 5 illaa 6 bilood muddo ku siman iyadoo ay mudadaas  horyaallaan howlihii ugu cuslaa baalrmaanka ee loo igmaday sanadkii 2012.

Howlaha horyaalla ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin doodaha dhameystirka dib u eegista dastuurka oo 10 cutub horey looga shaqeeyay, 5 cutub oo dastuurka ka dhimanna la doonayo in guddiga gaarka ah ee arrimaha dib u eegista dastuurku ay ka shaqeeyaan, maadaama ay yihiin kuwo muhiim ah oo aaney hureyn iney guddigu ka tala bixiyaaan, waxa uu xusay iney ka hadlayaan; kala soocidda awoodaha fulinta iyo Madaxweynaha, madaxbanaaneyta iyo dib u habeynta Garsoorka.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay shaqooyin u yaalla baarlamanka oo ay tahay inuu xil iska saaro oo ay ugu muhiimsan yihiin; doorashooyinka sanadka 2016 sida ay noqonayaan iyo sharciga la dagaalanka argagixisada oo la doonayo in baarlamaanku ka gaaro go’aanno wax ku ool ah oo kama dambeys ah .

Mar uu ka hadlay sida wax looga qaban karo howlaha baarlamaanka horyaalla, ayaa waxa uu yiri:” waxaa wax looga qaban karaa in la waajaho oo wakhti dambe uusan lumin oo la helo agabkii wax looga qaban lahaa, xukuumadduna ay xoogga saarto sidii howlahaasi u fuli lahaayeen, waxyaabihii loo baahnaa ay miiska soo saarto waaa farriin aad iyo aad u culus”.

“Waa lagu khasban yahay waa waajib in xildhibaanadu xilkooda gutaan, olole siyaasadeed qof kasta walwalkeedu wuu hayaa oo baarlamaanka ku jira, laakiin taasi looma dayici karo howlaha xildhibaanada loo igmaday oo dastuurkuna farayo ee horyaalla” ayuu yiri.

“Hawluhu way badan yihiin laakiin hadii dadaal badan la galiyo waa laga miro dhalin karaa, wixii la sameyn waayo oo ay diido tabar iyo taagba waxaa laga maarmaan ah in dib loogu dhigo baarlamaanka dambe ama baarlamaankan wakhti halkoo sano iyo labo loo kordhiyo si uu howsha u dhameystiro” waana sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu walwal ka muujiyay dooda dastuurka oo yiri; “dood gaaban noqon meyso mid sii daba dheeraatay ayay noqoneysaa taas ayaana u baahan in laga walwalo”.

Ugu danbeyn baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu galay fasax hal bil ah oo ka bilaabantay  5 Maarso kuna eeg illaa 5 April, fasaxa baarlamaanka ayaa lagu soo koobay muddo bil ah si loo dedejiyo howlaha ballaaran ee baarlamaanka horyaalla una baahan in si degdeg ah wax looga qabto.