U bood dhigaalka

Xildhibaan C/Qaadir Sheekh: Sababta Magaalada Muqdisho Loogu Juujuubayo Doorashada Xildhibaannada Hiiraan iyo Sh/dhexe Macneheeda Waa La Fahmi Waayay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah aan la yeelnay ayaa sheegay in ay la yaabahan yihiin sababta magaalada Muqdisho loogu juujuubayo iney ka qabsoonto doorashada xildhibaannada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe madaama ay magaalada Baladweyne Ammaan tahay.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay sida uu uga xunyahay go’aankii guddiga doorashooyinka dadban ka soo baxay ee ahaa in doorashada xildhibaannada Hiiraan iyo Shabeelaha dhaxe ka dhacayso magaalada Muqdisho.

“Waxaa jiray maalmahan oo dhan walaac ku saabsan doorashooyinka Labadaan gobol ee Hiiraan iyo Shabeelle meeshii lagu qaban lahaa, waxaan ognahay in odayaasha dhaqanqanka isbuucii lasoo dhaafay ay go’aan ku gaareen in lagu qabto magaalada Muqdisho, arrintaas walaac weyn ayay ka keentay magaalada Baladweyne iyo  dadkii ka soo jeeday Hiiraan, maxaayeelay Baladweyne magaalooyinka waaweyn ee taariikhiga ah ayay ka mid tahay”, ayuu yiri xildhibaan Cabduqaadi Sheekh.

“Magaalada Baydhabo waxaa lagu qabnaayaa doorashooyinkii, Kismaayo sidoo kale, Garoowe sidoo kale, markaa waxyaabaha walaaca keenay waxa waaye, magaalada Baladweyne waa meel hadda aamin ah, dadkii ka soo jeedayna ay rabaan in doorashadu ka dhacdo magalaada, markaa in la yiraahdo doorashadii waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho macnaheedii ayaa la fahmi waayay iyo sababta magaalada muqdisho loogu juujuubaayo in lagu qabto doorashooyinka(Hiiraan, Sh/Dhexe), Ra’isul wasaare ku xigeenka  iyo wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ayaa magaalda tagay, sida aan waribixinta ku haynno waxay soo arkeen magaalo aamin ah oo haba yaraatee wax dhib ah aaney ka jirin, waxaana taa daliil u ah, waxay ka soo lugeeyeen xerada Lamagalaay illaa waxay soo lugeeyeen barta uu ugaasku daggan yahay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanka ayaa xusay in guddiga doorashooyinku aaney xaq u lahayn in ay sheegaan meelaha doorashada xildhibaannada ka dhacayso, waxaa guddiga loo igmaday oo kaliya, ayuu yiri; iney si fiican uga warhayaan doorashooyinka oo ay abaabulaan.

25 September ayaa Inta badan Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay isku raaceen in Xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka  laga soo xulo magaalada Muqdisho, ka dib kulan ay Muqdisho kula yeesheen guddiga doorashooyinka dadban.

Goobjoog News