U bood dhigaalka

Xildhibaan C/Rashiid: Sharafta dowladnimo Waxay Ku jirtaa in Kharashaadka Doorashadu uu ka Yimaado Dhanka Dowladda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay iney wanaagsan tahay in kharashaadka doorashadu uu ka yimaaddo dhanka dowladda sharafta dalkuna ay sidaa ku jirto.

Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ugu horreyn baqdin ka muujiyay in dalka uu galayo gaab dowladeed haddii dib looga dhaco wakhtigii loo ballamay iney doorasho dalka ka dhacdo.

Waxa uu sheegay in dalka ay u wanaagsan tahay in la isku tashado kharashaadka doorashadana aan laga sugin beesha caalamaanka:

“Doorashada Soomaaliya waxaa fiican kharajka  doorashada aan ku galeyno inuu inaga ka  yimaaddo, sidaas ayaa dowladnimadu ku jirtaa, sidaas ayaa shuruucda wanaagsan iyo nidaamku ku jiraa, inaan tallaabo kasta oo aan qaadayno aan niraahno beesha caalamka ayaa naga caawineysa taasi xal ma noqoneyso, dowladnimadana dhibaatay ku noqoneysaa, doorashada dadka Soomaaliyeed iyo dowladdu waa inay u howlgalaan wixii doorashadaa lagu gali lahaa, beesha caalamku haddii ay rabaan waxay oran karaan annagu hadda xilligan waxba ma hayno”.

Xildhibaanku waxa uu farta ku fiiqay in dowladdu ay awooddo bixinta kharashka doorashada doorashooyinka:

“Doorashada dakhligeenna ayaan ku xisaabtameynaa, haddii la yiraahdo aynu doorasho galno dadka Soomaaliyeedna ay isku kalsoonaadaan, lagana mideysan yahay in dalka doorasho ka dhacdo, dhaqaaluhu waxa uu noqonaa mid dadka Soomaaliyeed ee ganacsatada ah iyo cid kastaaba ay ka qeyb qaadaneyso, haddaan la buunbuunin oo si sax ah loo abaaro, waxaan is leeyahay in doorashadu ay ka dhacayso meelo kooban, kharaj badanna aanuu ku baxayn, waa haddii wadada saxda ah la maro”.

Xildhibaanka ayaa si adag uga soo horjeestay kharashaadka lagu xirayo tartamayaasha xildhibaanada aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka:

“Lacagta sharuudda lagaga dhigayo qofka xildhibaanka noqonaya meesha kuma jirto ayaan aaminsanahay, sababtuna waxa weeye; qof Soomaali ah oo ku habboon inuu xildhibaan noqdo ayaa laga yaabaa iney $5000 xannibto, sidaa darteed waxaan aaminsanahay lacagtan shuruudda ah in laga saaro meesha, haddii sidaa la yeeli waayo rabitaankii shacabka ayay taasi meel kaga dhacaysaa”.

Ka qeybgalayaasha doorashooyinka xildhibaanada aqalka sare ayaa la sheegayaa in lagu xiray bixinta $10.000, halka aqalka hoosana lagu xiray bixinta 5000 oo dollarka Mareykanka ah, taas oo haddii ay dhabowdo dhalineysa in dhallinyaro badan oo damac siyaasadeed ku jiray iney dib u gurtaan.

Goobjoog News