U bood dhigaalka

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh ” Madaxweynuhu Waxa Uu Ku Fashilmay Wax Kasta, Waxaana Uu Isku Haystaa In La Jecelyahay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Fedelaaka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa madaxaweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay xikmad darro iyo inuu ku fashilmay, siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Xildhibaanka ayaa ka warbixiyay xaaladda ka taagan magaalada Baladweyne iyo socdaalka madaxaweyne Xasan Sheekh uu ku tagay magaalada iyo waliba natiijada laga fili karo inuu kala soo noqdo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay sida ay wax u socdaan iyo aragtidiisa, waxaanuu yiri “maamul xumo ka socota Villa Soomaaliya aan u aragnaa waxa meesha ka socda, Madaxweynuhu waxa uu ku soo fashilmay gacan maroojintii Galmudug, oo natiijadii ka soo baxday ay tahay in colaad la isku hor fadhiyo, dadna ay ku la’deen meeshaa”.

Waxaa kale oo uu ku fashilmay, ayuu yiri; December dadkii uu gacma-gacmeynta la galay , iyadoon wadatashi laga sameyn ku iclaamiyay Shirka Jowhar, oo ay ka biya diideen beelihii la rabay iney iskugu yimaadaan, taa wixii kasii dambeeyayna waaban la soconna hadda waxa ka jira ee fool xumo ah.

Haddii aaney madaxdu wada tashi la sameyn dadweynaha, aragtidoodana aaney tixgelin, waxa Villa Soomaaliya laga soo abaabulay ma soconayaan, waxaan ku aragnay Jubbaland, waxaan ku aragnay Koonfur Galbeed, waxaan ku arkeynaa hadda Puntland, hadaadan dadka la tashinin oo aadan wax la wadaagin, anaa wax wato ma soconeyso, ayuu yiri xildhibaanku.

Ceebta ugu weyn waxay ka taagan tahay hadda; in madax dhaqameedkii ay leeyihiin walaalayaalow hana dedejinina waxaan u baahannahay dib u heshiisiin, dagaallo farabadan ayaa dadka reer Hiiraan dhex maray, dowladuna waxay leedahay waxaan idiin sameynaynaa maamul, iyadoo ka fakaraya doorashooyinka 2016, arrinkaas oo uu ku tilmaamay xildhibaanku xikmad darro.

“Umad dhahaysa waan heshiineynaaye ha nala dhaafo, ayaa la dul taagan yahay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha Gudaha, wasiirkii warfaafinta, laba bilood ayay kor taagan yihiin, waa ceeb, waxay ahayd in gogosha loo fidiyo, in loo furo in dhaqaale loo keeno, waan ogsoonahay wixii ka dhacay gobolkaas, hadday maanta yiraahdeen waxaan rabnaa inaan heshiinno, waxa kaliya ee noo haboon waa in la yiraahdo shirkaan idiin furaynaa dhaqaalihiina waan idiin keenaynaa, haddaan dhaqaale loo haynna dhaqaale ma hayno laakiin idinku heshiiya”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu eedeeyn kulu usoo jeediyay xildhibaanku Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku sheegay mid u muuqda boqortooyo oo kale isla markaana isku dayaya inuu wax kasta maquuniyo, “afar wiil oo qaraabadiisa ah ayaa been u sheegaya oo ku leh waa lagu jecel yahay, mana oga in khaati laga taagan yahay oo la arkay inuu waxwalba ku fashilmay, siyaasaddii ayuu ku fashilmay, Ammaankii ayuu ku fashilmay, dhaqaalihii ayuu ku fashilmay, la dagaalanka musqmaasuqa ayuu ku fashilmay, intaa cid u sheegaysa ma lahay, annaguna horaan ugu sheegnay iscasilna waan ku niri, laakiin dadbaa been u sheegaya”.

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay, Dowladdu 3sanno iyo 7bilood ayay jirtaa intaas xal aaney helin odoyaasha maanta uma hayso, odoyaashaa isku yimid ee gobolka Hiiraan qaarkood colaad ayaa ka dhex jirtay, hadda waa isku fikir, xikmadda hadda dowladdu hayso iyadoo wakhtigeedii uu ka haray 4 bilood, 5 bilood, uma jeedno runtii, hadday xikmad hayaan dadkaas mudada dheer dagaalsanaa ee leh waan heshiineynaa, xikmaddu halkaas ayay taallaa.

Goobjoog News