U bood dhigaalka

Xildhibaan Cumar Finish Oo Shaki Geliyey In Doorashada 2016 Waqtigeeda Lagu Qabto

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed  (Cumar Finish) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaki geliyey in waqtigeeda ay ku dhacdo doorashada dad badan ee xilligan la filayo in dalka ay ka dhacdo.

Waxa uu sheegay in markii uu arkay fulin la’aanta jadwalka doorasho, waqtiga oo soo dhawaaday iyo gaabiska jira aan August iyo September macquul ahayn dalka inay ka dhacdo doorasho waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Runtii markaan fiirinno sida ay hadda wax u socdaan ee gaabiska ah, iyo watqigii oo hoosta naga soo galay ilama ahan aragti ahaan in hadda doorasho laga gaarsiin karo August iyo September laakiin kama hordhaceyno ee waxaan ka war sugeynaa guddiga loo xilsaaray.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hadlay aragtida ah sababta dooarashada ay dib uga dhacayso waqtigeeda iyo caqabadaha jira.

“Sababo badan ayaa keenay, doorasho kama qabsoomi karto meel aan amni ahayn oo dowladda koontaroolin, meello ka mid ah dalka ma maamusho dowladda oo waxaa maamula kooxo nabadda kasoo horjeeda, meello kale oo dowladda gacanta ku haysa laakiinse amniga aanu saamaxayn in doorashooyin ka qabsoomaan wey jiraan, sidoo kale waxaa jirta maamul sheegay in Soomaaliya ay ka go’een lana rabay in doorasho ay ka dhacdo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaanka.

Sanadkaan waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho dad badan, inkastoo jadwalka doorasho aan loo waafajin waqtigii loogu talo galay.

Goobjoog News