U bood dhigaalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ku goodiyay in Nicholas Kay ay ka gudbin doonaan qaraar ka dhan ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay ergayga gaarka ah ee Qarmamada Midoobay u qaabilsan Arimha Soomaaliya Nicholas Kay ay ka gudbin doonaan qaraar ka inuu dalka kasii shaqeeyo.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in aysan raali ka noqon doonin aflagaado uu sheegay inuu u geystay baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa caadaqaatayaal ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa kale oo uu Jeesow sheegay in haddii uu ergayga qaramada Midoobe ee Soomaaliya MR Nicholas Kay uusan raali galin ka bixin hadalkii ka soo yeeray ay ka gudbin doonaan qaraar ku saabsan in dalka uusan ka sii howlgalo.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in Qaramada Madoobe ay weydiisanayaan wakiil bedala Kay, isaga oo ku cel celiyay in ay aad uga xumaadeen dhamaan xildhibaanada hadalka kasoo yeeray Kay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Jeesoow.

Goobjoog Fm