U bood dhigaalka

Xildhibaan Daahir Xasan “Madaxweynuhu Kala Furfur iyo Colaad Hor leh Ayuu Horseedayaa”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Abuukaate Daahir Xasan Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu horseedayo colaad cusub, isla markaana uu hareer maray rabitaanka shacabka Hiiraan.

Xildhibaanka oo ugu horreyn ka hadlay heshiiska dowladda iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka Hiiraan ee ku dhex maray magaalada Baladweyne ayaa yiri  “Uma haysanno inuu rabitaan shacab yahay, dowladdu dagaal ayay nagu soo qaaday, dagaalka ay soo qaadayna waxaa uu ahaa go’aan ay Xamar kusoo diyaar sadeen, kaas oo ahaa rabitaanka shircibka aan muquurinno oo aan kala furfurnno, wixii aan ka soo wadan karno aan ka soo wadanno, Jowhar aan geysanno, kuwa ka maqnaada ee duubabka ah  dadkooda intaan Xamar ka qab qabsanno  aan meesha geysanno”.

Waxaa socda juujuub gogoshaaas in la furo shicibku ha rabaan ama yaaney rabin, waa qasab la rabo in go’goshaas laga furo, waxaa meesha cad in la yiri rabitaan shacabka ha laga gudbo, oo haloo noqdo kaligii taliskii laga soo gudbay, kaas oo ahaa rabitaanka dowladda ama shicibku ha rabaan ama yaaney rabin, maantana inaan tii ku noqonay ayaa inoo cad, ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa ku daray; “Shicibkii walaalaha ahaa oo dalbaday iney dib u heshiisiin galaan, wixii cillad ah oo dhexdooda yaallay ay iska bixiyaan, meeshii lagu taageeri lahaa in iyagii la kala furfuro oo dhexdoodii colaad la dhigo oo maanta colaad cusub ay ka bilaabatay gobolka Hiiraan Dowalduna ay sabab u tahay”.

Duubabka iyo oday dhaqameedyadii gobolka Hiiraan wada degenaa in qaarna Jowhar la geeyo, qaarna Baladweyne looga tago dowladda meeshaa lagu dhiso, maxey noqon kartaa? waxey dowlad ka noqon karto ma jirto, dowlad dhicis ah ayaa ka dhalan karta ama ma dhalan karto, dowlad waxaa la yiraahdaa waxay shicibka oo dhan ka wada qeyb qaateen iyadoo la isku calool fiyow yahay, meeshii la tago, ayuu sheegay.

Waxa uu xildhibaanku xusay; imaantinkii madaxweynaha ee gobolka Hiiraan, dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay oo dadbaa ku dhintay galbeedka Hiiraan, waxaanuu sheegay iney madaxda dowladda ku kari waayeen iney fursad siiyaaan shacabka iyo dib u heshiisiinta.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta, oday dhaqameedyada iyo shacabku isku xiran yahay, hal mowqifna ay wada taagan yihiin, kaas oo uu ku sheegay iney doonayaa in rabitaankooda la tixgaliyo , dib u heshiisniintana iyo aayo ka talinta la wado.

Sheekada hada socota ee la leeyahay labadan gobol xoog ha la iskugu daro annaga nooma cuntanto, Hiiraan xaqdarraa laga galay, waxay libin leedahay lama siin,waxay u dhigantaa laba gobol , goboladii la qeybiyay ha nalaga daba geeyo.

Ex-Banaadir iyo Hiiraan waa sinnaayeen waxay ahaayeen labo gobol oo is la’eg, Ex-Banaadir waxaa laga dhigay shabeelada hoose, Banaadir, iyo Shabeelaha dhexe, taas nooma cuntanto marnaba ma ogolaan doonno in qayb ka mid ah Banaadir tii hore aan la midowno, waana xaqdarro aanan marnaba qaadan Karin, ayaa kamid ahaa hadaladii xildhibaanka.

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Soomaaliweyn waxaan u dhiganeynaa gogol, khaladaadka ay dowladdu naga galayso ha arkaan in kaligii talis dib nalogu celinayay, xaqdarro laga galayo gobolka Hiiraan, dadkii oo kala jabsanna la sheegayo in gogol looga furayo Jowhar.

Goobjoog News