U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Heshiiska Aan La Galnay Baarlamaanka Kenya Waa Mid Faa’ido Ugu Jiri Doonta Shacabka Soomaaliyeed”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiis 21-kii bishaan magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen guddiyada difaaca iyo Arimaha dibadda ee baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaanka oo u waramayay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee Goobjoog News ayaa sheegay in heshiiskaasi ay faa’ido badan ku jirto hadii uu dhaqan galo.

Waxa uu sheegay in waxa lagu heshiiyay dhammaan ay ahayd arrimo ku aadan xoojinta xiriirka Labada dal iyo in la fududeeyo socdaalka Kenya.

Waxa uu tilmaamay in qodobada lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen fududeynta dal ku galka, wax ka qabashada marinka Wajeer oo dhibaato badan ku ah dadka Soomaaliyeed ee ku wajahan Nairobi iyo arrimo kale.

Hadii ay heshiisyadaan dhaqan galaan waxa uu xildhibaan Dalxa tilmaamay in faa’ido badan ay ku qabi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

“Heshiiska aan la galnay Baarlamaanka Kenya waa mid faa’ido ugu jiri doonto shacabka Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxaan kala hadalnay waxyaabo badan oo shacabka dhibaato ku hayay, waxaana isla garannay in sida ugu dhaqsiyaha badan qodobada la’isku fahmay loo dhaqan geliyo” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Heshiiskaan ay Labada dhinac kala saxiixdeen ayaa la kala horgeyn doonaa Baarlamaanada Kenya iyo Soomaaliya, waxaana hadii qodobada lagu heshiiyay ay sidii loogu talagalay u dhaqan galaan, waxaa waxbadan iska bedali doonaan xiriirka Labada dal.

Goobjoog News