U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Heshiiska IORA Soomaaliya Wuxuu Kaga Dhigan Yahay Fursad Dahabi Ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay inay ka mid noqotay daladda ay ku midoobeen wadamada ku xeeran badweynta Hindiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay nasiib u yeelatay kamid noqoshada ururkaasi oo loo soo gaabiyo IORA.

Guddoomiye xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa  ayaa sheegay  in wax badan Soomaaliya ay dani ugu jirto sida Iskaashi dhinacyo badan, dhiirigelinta ganacsiga, maalgashiga, ammaanka iyo qodobo kale.

“Ka Mid noqoshada wadamada ku xeeran badweynta Hindiya waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay noqoto dhul barwaaqo sooran ah oo macnaheedu yahay in dhaqaalaha uu koro iyo in suuq loo helo Soomaaliyada cusub” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Dalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in tani Soomaaliya ay ka taageeri karto in ganacsiga iyo maalgashi in wadanka uu helo, islamarkaana ay soo dhoweynayaan.

Heshiiskani dowladdu saxiixday waxa uu ka marag kacayaa in Soomaaliya ay kamid noqotay wadamada ku hareereysan badda Hindiya islamarkaana horumarinta dhaqaalaha uu ka teegaarayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye waxa uu saxiixay cahdiga Ururka mideeya wadamada dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (IORA) intii lagu guda jiray Shirka Golaha Wasiirada ururkaasi oo ku qabsoomay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.

Goobjoog News