U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa Oo Beeniyay In Ilaaladiisa Ay Soo Doorteen

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo todobaadkii tegay ku soo baxay doorashada ka socota magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya 216-ka islamarkaana ka jawaabay eedeymo kaga yimid qaar kamid ah dadkii loolanka kula jirey kursigii uu ku guuleystay.

Wuxuu ka jawaabay eedeymo loo jeediyay oo ku aadanaa in ay Baydhabo ku doorteen ilaaladiisa iyo dad kale oo ka shaqeeynayay gurigiisa kadib markii ergada saxda ahayd aan laga qaadin Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in eedahaasi aynaan waxba ka jirin oo ay faafiyeen dad dano gaar ah leh oo tartanka ay kursiga ugu wada jireen.

“Ilaaladeyda ima dooran waana wax lala yaabo in dad Xamar jooga ay eedeymahaasi wadaan, maxaa yeelay ergada beesheyda ee isoo dooratay waxaa qoray ugaaska beesha aan ka soo jeedo ee kamidka ah 135-ta oday dhaqameed” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxa uu sheegay in wax ku cusub dhagaha shacabku aynaan ahayn dib u dhaca ku yimid doorashada oo uu tilmaamay in waligeed ay dib u dhaceysay illaa bishii August ee sanadkaan 2016-ka.

Dalxa ayaa sheegay  in loo baahan yahay in xil la iska saaro arrimaha la xiriira qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo uu sheegay in waqti ay u baahan tahay.

Musharrixii kursiga kula tartamayay ayaa Baydhabo dhowaan ka sheegay in ergadii la bedalay islamarkaan Dalxa ay doorteen ilaaladiisa iyo dad ka shaqeeya gurigiisa oo Xamar uu ka qaaday.

Goobjoog News