U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa ” Ma jirto Cid Isku Ixtiraameysa Shaqo Dowladeed oo la kala Leeyahay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Guddiga baarlamaanka ee arrimaha dibadda oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay inaaney jirin cid isku ixtiraameysa shaqo dowladeed oo la kala leeyahay.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda oo uu ku tilmaamay mid aan lahayn sal adag, dowlad goboleedyaduna ay caqabad ku yihiin siyaasadda arimaha gudaha iyo tan dibadda , waxaad arkaysaa ayuu yir wasiir maamul goboleed ka socoda oo heshiis la galaya dowlado kale, isla markaana aaney jirin cid kula xisaabtameysa ama baarlamaan la hor keenayo heshiiskaas oo ogaalaanaya ama diidaya, ma jiro madaxweyne qaran oo lagala tashanayo.

Waxa uu sheegay xildhibaanku haddii dowladaha qaarkood ay afgaran waayaan madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud , waxay afgarad ka helayaan maamul goboleedka ay doonaa, oo  sida ay rabaan wax ugu ogolaanaya iyadoo aan lasoo marin dowladda dhexe.

Mushukilladdu waxay ka jirtaa siyaasaddii Soomaaliya meel loo cuskado malaha, Kenya waxay leedahay maamul goboleedyo hadana, dadka maamula looma yaqaanno madaxweynayaa, Itoobiya tusaale inooma noqon karto maadaama ay tahay qowmiyado kala duwan, ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Markii aan joognay ‘Mbagathi’ waxaa aad la iskugu diidanaa in gobollada lagu yeero magaca maamul goboleedyo ama dowlad goboleedyo oo aad loogu kala aragti duwanaa.

Waxa uu xusay in caalamka la tusay madaxweynayaal is garab taagan oo isku wada mid ah, mid kastaana uu goonni yahay oo ciddii rabtaa ay heshiis la gali karto.

Waxa uu ka dhawaajiay Sababta Soomaaliya loogu diiday iney ka mid noqoto ururka barwaaqo sooranka bariga afrika, isagoo ku tilmaamay inaaney Soomaaliya siyaasadeedu cadeyn, ma hanti wadaagbaa, ma hanti goosadbaa, iyo kala daadsanaanta ka jirta siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo uu yiri waxay keentay fashilka in loodiido xubinnimada ururka, Konfurta Suudaan oo dhibaata ka taagan la ogyahayna loo ogolaado, waxaanuu ku tilmaamay dhaawac ay adagtahay in laga soo kabsado.

Dalxa oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadlay dhibaatada ka jirta siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo uu ku tilmamaay mid jaantaa rogan ah oo aan u socon sidii la rabay, wasarradda arrimaha dibadda ayuu ku tilmaamay in lix bilood gudohood ay ku yeelatay 12 agaasime guud, isagoo tilmamay iney jiraan dad baasaaboorro dublumaasi ah wata oo dunida wareega isla markaaan aan la garaneyn safaaradaha ay ka tirsan yihiin.

Xildhibaanka ayaa saafaradaha dibadda ku sheegay in ay joogaan shaqaale aad u farabadan oo aan loo baahneyn, isagoo tilmamay in cidkastaaba ay dirsato cid u matasha safaaradaha caalamaka, isagoo xusay in madaxtooyadu ay cid dirsato, xafiiska Ra’isul wasaaruhu uu la taliyaal dirsado, wasiiraduna ay cid magacaabaan u matasha saafaradaha, iyadoo safaarad kasta ay joogaan 20 qof oo aan la garaneyn waxay ka qabanayaan.

“cid isku ixtiraameysa shaqo dowladeed oo maanta la kala leeyahay ma jirto, wasiirka xanaanada xoolaha haduu baxo waxa uu la kulmayaa wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhiggu waxa uu la fariisanayaa kalluumeysiga, guddoomiyaha baarlamaanku waxa uu la fariisanayaa wasiirka arrimaha dibadda dalka uu tago, ra’isul wasaaruha ayaa la kulmi kara guddoomiye baarlamaan” waana sida uu hadalka u dhigay.

Dadkii xirfadda lahaa ee wax qaban kari lahaa waxaa laga yaabaa in looga tago Tigid la’aan, dad ilaaliyaaal ah oo dalka waxay usoo qabanayaan  aan la ogeyn oo illaa 15-20 qof ah ayaa la kaxaysanayaa, iyadoo dhaqaalihii dalka Tigid looga bixinayo, hotello loo kireynayo, shaqada ciddii loo baahnaa iney qabato furasadan ay ka faa’idayso looma dhiibayo.

Xildhibaanku waxa uu ku nuux nuuxsaday in nidaamka oo dhani u baahan yahay sixitaan, waddankiina uu dhinac kasta uu uga furan yahay mowjado mid kastaaba tan kale ay ka daran tahay.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ka hadlay cidda wax badali karta dalkana xal u horseedi karta, waxa uu sheegay in dalku u baahan yahay dad Soomaalinimadu ku weyn tahay aqoontooduna fiican tahay , abaarana wax qabadkii loo baahnaa, diyaarna u ah iney dalka Naf iyo Maalba u huraan, isla markaan aan loo baahneyn dad ka shaqeysta oo ka daneysta.