U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa Oo Ka Warbixiyey Shir Uu Kaga Qeybgalay Masar Loogana Hadlayey Xaaladda Cakiran Ee Suuriya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir degdeg ah oo ka dhacay magaalada Qaahira loogana hadlayay xasuuqa ka jira Magaalada Xalab ee Dalka Suuriya.

Xildhibaan Dalxa oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Carab oo wareysi gaar ahaan aan la yeelanay isagoo jooga magaalada Qaahir, ayaa ka warbixiyay shirka iyo waxa looga wada hadlay:

“Shirku waxa uu ahaa mid degdeg ku yimid kana dhashay waxa hadda ka taagan suuriya magaalada Xalab oo xasuuq farabadani ka dhacay iyo arrimo dan la mooday markani sidii carabi uga gudbi lahayd mashaakilka sii shidan ee dhinac walba is gaaraya iyo waxa madaxda Carbeed iyagana haatan ku sugan ama dariska la ah dhibaatooyinka aadka u saameeyay dhinac kasta, sidii loo soo af-jari lahaa iyo tala  mideysan looga qaadan lahaa”.

“Annaga Soomaaliya guud ahaan anagoo mashaakilka aan qeyb ka nahay laba daraadle, hadana arrintan haatan aadka murugada u leh ee qaxa faraha badani ka dhashay ee Yurub ay ku wada qulqulayaan Suuriya umaddii u dhalatay, ayaa waxay ahayd bartilmaameedka, waana runtii inta farabadan wixii looga hadlayay, iyadoo qaarkood la isku diidiiday hadana meel dhexe la iskugu yimid, waxaa la isku afgartay in la qaado tallaabooyin dhowr ah oo dawo u noqon karta arrimaha hadda taagan ee dalka Suuriya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaan Dalxa waxa uu xusay in Carab ay go’aansatay iyadu is xalliso si waxa ka halleysanna ay u xallismaan oo aan la isku kala saarin mabda’ iyo mad-hab goonni ah.

Waxa uu xusay in baarlamaanka Carabtu uu bilaabi doono safar diblumaasiyadeed oo dhanka dibadda ah oo taageero siyaasadeed loo kasbado:

“Baarlamaanka Carabta ayaa bilaabaya socdaal uu ku marayo wadamada reer Galbeedka, Dadka, iyo Caasimadahooda, baarlamaanadooda, wadamada ku jira golaha Ammaanka si aad arrintaa looga soo dhaadhiciyo, iyadoo fursad ay u tahay oo bishatanna ay tahay mid dowladda Masar ay Golaha Ammaanka  hogaamineyso”.

Ugu dambeyn, Magaalada Xalab ee Dalka Suuriya ayaa waxaa ka socda dagaallo xoogan oo u dhexeeya dowladda Bishaar al-Asad iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo ay taageersan yihiin dowladaha Khaliijka, iyadoo dagaaladaa ay dhiig farabadan ku daateen dadbadani ay ku barakaceen.

Goobjoog News