U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa Oo Dhaliilay Beesha Caalamka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in beesha caalamka aanay daacad ka ahayn kaalmada Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in dhibka ugu weyn ay tahay in beesha caalamka aanay jeclayn iney la shaqeeyaan hay’adaha dowladda, balse ay daneeyaan iney la shaqeeyaan shaqsiyaad, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga waxa dhibka nagu hayo ayaa waxay tahay nimankaan la yiraahdo beesha caalamka oo hab dhaqankooda uu noqdo la shaqeyn shaqsi oo aanay la shaqeyneyn hay’adaha dowladda, baarlamaan ay la shaqeeyaan waxay ka jecelyihiin iney la shaqeeyaan guddoomiyaha, xukuumaddii inay la shaqeeyaan waxay ka jecelyihiin iney la shaqeeyaan Ra’iisul wasaaraha, qaranka iney la shaqeeyaan waxay ka jecelyihiin iney la shaqeeyaan madaxweynaha, waxay sameynayaan qaab walbo oo ninkaasi haku joogo Meesha ay wax ka quransan yihiin waa halkaasi” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Maxamed ku taliyey in beesha caalamka ay kusoo noqoto wadadii saxda ahayd oo ay hay’adaha dowladda kala shaqeeyaan horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Goobjoog News