U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa oo faah faahiyay shir caalami ah oo ka socda Switzerland (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanaayasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay shir caalami ah oo ka socda Switzerland kaa oo xildhibaanka uu ka qeyb galayo.

Xildhibaanka oo ku sugan Magaalada Geneva ayaa u sheegay Goobjoog Fm in shirkaan maanta lasoo gaba gabeynaayo, waxaana dhanka kale uu xusay in diiradda lagu saarayo dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Waxa uu xusay Xildhibaan Dalxa in shirkaan looga hadlay arimaha Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, waxaana rajo uu ka muujiyay in natiijooyin wax ku ool ah ay kasoo baxaan.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaaya wadamo badan oo caalamka ka mid ah, kuwaa oo ka kala tagay Afrika, Asia, Yurub, Amerika iyo Australia, waxaana maanta la filaayaa in laga soo saaro war-murtiyeed.