U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa Oo Xukuumadihii Dalka Soo Maray Ku Dhaliilay La Xisaabtan La’aan

Sheeko:Baarlamaanka

Xilidhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah mudane ka tirsan baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay duqeyn ay diyaaradaha Isbahaysiga uuu hoggaamiyo Sacuudiga ku laayeen shacabka Soomaaliyeed.

Dalxa oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay iney soo noq noqotay dhibaatada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Yemen, isaga oo xukuumadihii dalka soo maray ku eedeeyey iney ka gaabiyeen wax ka qabashada arrintaasi.

“Waa wax aad looga xumaado, nasiib darro ah in mar walbo dadka Soomaaliyeed si macno darro ah loogu laayo dibadaha, loo geysto xadgudubyo, mas’uuliyadda arrintaasina waxaan is leeyahay waxaa ka gaabiyey xukuumadihii dalka soo maray oo loo baahnaa iney dacwad ka gudbiyaan cid walbo oo waxyeello u geysata shacabka Soomaaliyeed, horey waxaa jirtay in dalka Yemen loogu diley 40 ruux oo saarnaa bas ay saarnaayeen shacab Soomaaliyeed, waxaan ugub ma ahan, laakiin waxaa loo baahan yahay dowladdii u istaagi lahayd umaddan sidan loola dhaqmayo” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Ugu dambeyn xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in muhiim ay tahay in lala xisaabtamo cid walbo oo dalka dibaddiisa dhibaato ku gaarsiisa muwaadin Soomaaliyeed.

Ugu Yaraan 35 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintey duqeyn diyaarahada Isbahaysiga ee uu horkacayo Sacuudiga u geysteen doon ay la socdeen muwaadiniin Soomaaliyeed, taasi oo ku socotay dalka Sudan.

Goobjoog News