U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Xabsiyada Magaalada Muqdisho Waxaa Ku Xiran Masaakiin Awood Loo Sheegtay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ay ku xiran yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan, balse awood loo sheegtay.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay ay kusoo badanayeen dhul boobka loo geysanayo dadka aan awoodda lahayn, islamarkaana dadkaasi qaarkood xabsiyada la dhigay.

“Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay waxa la yiraahdo dhul boobka oo aad iyo aad u noqotay wax joogta ah oo maxkamadaha gobalka Banaadir hadaad fiiriso aad arkayso wax kaliya la isku haysto tahay dhul, guri dhisan dad deganaa 60-kii illaa hadda waliba haysta Sabarloogoodii ay dad kale ku sheeganayaan, inta badanna dadka la dhibaateenayo ee loo awood sheeganayo waa dadka masaakiinta ah ee maciin laawayaasha ah, waxaad arkaysaa maxkamad degmo qof kasoo qaadanayo rafcaan halkii uu maxkamadda gobalka ama midda sare u aadi lahaa, hadane maxkamadaha kulligood aanay ka muuqan cadaalad ama garsoor” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in arrimahaan dhul boobka ah ee uu sheegay in ay ka jiraan magaalada Muqdisho uu sii Laba kacleenayo, isaga oo tilmaamay in ay jiraan shacab xabsi la dhigay, guryahoodiina lagala wareegay.

Xildhibaan Dalxa ayaa dhinaca kale sheegay in hadda Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo cid walba oo arrimahaan quseyso looga baahan yahay in ay u istaagaan sidii ay wax badan uga qaban lahaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayuu ugu baaqay xildhibaan Dalxa in ay si toos ah u booqdaan xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay ku jiraan dad aan dambi lahayn, ama madaxdu ay magacaabaan guddi soo baara waxa xabsiyada ka jira waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News