U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Xukuumadda Lama Shaqeyso Guddiyada Baarlamaanka”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan la shaqeyn guddiyada baarlamaanka, islamarkaana shaqadii Labada dhinac ay kaligeed isku kali yeeshay.

Waxa uu sheegay in ka guddi ahaan aanay waxba kala socon heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee dowladda Federaalka, UNHCR iyo dowladda Kenya, isaga oo sheegay in waajibkooda ahaa in heshiiskaas ay wax kala socdaan.

“Annaga baarlamaan ahaan xukuumadda nooma keenin heshiiskii qaxootiga ay gashay, midda kale Xukuumadda maba taqaan guddiyada, kaligeed ayeey moodaa siyaasadda dalka inay quseeso, guddiyada baarlamaanka maba tixgeliyaan ha noqoto wasaaradda Arrimaha dibadda ama wasaaradaha kale, waa wax in muddo ah iska soo socotay ku dhaqankeeda” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Waxa uu Tilmaamay Xildhibaanka inay sugayaan goorta uu ra’iisul wasaaraha horkeeno baarlamaanka Qodobada heshiiskaasi oo uu tilmaamay inay muujinayaan sida ay Xukuumadu u hareer martay dhamaan shaqadii dhex mari lahayd Xildhibaanada iyo Wasiirada.

Dhinaca kale ka guddi ahaan ayuu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku sugan lagu keeno si qasab ah, ama la hareer maro habka dejinta.

21-kii bishaan October waxaa magaalada Brussels ee dalka Belgium lagu soo gabagabeeyay shir dhaqaale loogu yaboohayay qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya si dalkooda dib loogu soo celiyo, waxaana shirkaasi ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, iyadoo lagu yaboohay lacag ka badan 100 Milyan oo doolar.

Goobjoog News