U bood dhigaalka

Xildhibaan Dhaayow Oo Ka Warbixiyey Weerarkii Xalay Lagu Qaaday Hoygiisa Magaalada Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu faah faahin ka bixiyey weerar habeenkii xalay ahaa lagu qaaday hoy uu ka deggan yahay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in rag wata Mootooyin ay Bambooyin kusoo tuureen gurgiisa, sidoo kalena rasaas ay kusoo rideen halkaasi, iyaguna ay iska caabiyeen.

4 ka mid ah ilaaladiisa ayuu sheegay in weerarkaasi dhaawac uu kasoo, islamarkaana raggii weerarka soo qaaday ay halkaasi ka baxsadeen.

Askarta dhaawaca ah ayuu xildhibaan dhaayow sheegay in hadda xaaladooda ay roontahay islamarkaana aanu muuqan dhaawacyo halis ah.

“Salaadii maqrib kadib ayeey ahayd, waxaan ka war helay Bam lasoo tuuray, rasaas ayaa billaabatay, waan iska difaacnay, waxaana naga dhaawacmay Afar wiil” ayuu yiri xildhibaanka.

Waa weerarkii Labaad bishaan gudaheeda lagu qaado xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

14-kii bishan April, rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday hoy uu degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ka deganaa Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay 3 haween ah oo la dhashay xildhibaanka.

Goobjoog News