U bood dhigaalka

Xildhibaan Dhakhtar oo Ka Hadlay Dhibaatada Ayaxa, Eedna U Jeediyey W. Beeraha

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Idiris Cabdi DhaKter oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ayaa maanta golaha shacabka ka sheegay dhibaatada Ayaxa, waxaa uuna dowladda ugu baaqay in wax laga qabto.

Xidhibaanka ayaa sheegay in haddii aan wax laga qaban Ayaxaasi uuna soo gaaro gobalada beeraha badan ee wabiga uu maro uu geysan doono saameyn badan oo soo wajahda shacabka waxaana uu yiri” Dhibaatada hadda ugu daran Ayax waaye oo laga soo buufiyey dalka aan dariska nahay ee Itoobiya oo dalka soo galay dhinaca Seylac ayuu ka soo galay ilaa gobalada dhexe ayuu soo maray hadda waxaa uu ku sugan yahay Baledweyne, waxaa uu rabaa inuu dhulkii beeraha oo labada Webi inuu yimaado” .

Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa ayaa yiri” Sidaad ogtihiin Ayaxa labo nuuc waaye waa mid Korankar u socda iyo mid socda kani labadiiba waa yahay, waqtigii dowladdii waxaa waxaa lagu koontarooli jiray hey’ad khuseysa oo plant protection la dhaho oo wasaaradda Beeraha ay leedahay, hadda wasaaraddu waxaa ay leedahay koox ka shaqeyso oo ka hortagga Ayaxa ah ilaa iyo haddana howl ay qabatay ma arkin markii hore waxaa loo koontarooli jiray Biological iyo Chemical”.

Dhanka kale xildhibaanka Idiris ayaa eedeeyey wasaaradda Beeraha waxaana uu sheegay ilaa iyo hadda in aysan jirin wax qabad ay wado waxaana uu yiri” Koronkorkaas soo socda meel weyn ayaa loo qodi jiray markii uu ku habsado ayaa lagu duugi jiray, wax dhaqdhaqaaqa oo shaqo socoto maleh wasaaradda Beeraha waxaan ka rabnaa in ay wax ka qabato hey’ado ayaa jiro oo taqasus u leh oo mar waliba gacan dalka ku siin jiray dowladdii dhexe, waqtigii hadda ugu danbeysay Shinbir Masagada waxyeeleen jirtay UNDP ayaa buufin jirtay”

Ugu danbeyn xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar ayaa ka deyriyey haddii Ayaxa uu ku dago dhulka ku teedsan labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle ay ka dhalan karo sameyn dhanka dadka, Beeraha iyo xoolaha soo wajahda waxaan uu yiri” Haddii Ayaxaan soo socda uu beeraahaan labada Webi dhexdeeda uu yimaado oo awalna keedkoodii uu dhamaaday waxaan u malaynaa Soomaali iney cunto la’aan ay noqon doonto geedihii daaqiina waa la weynaa Xoolihiina dhibaato ayaa ka soo gaareyso Baniiaadamkana dhibaato ayaa ka soo gaareyso marka waxaan rabnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax laga qabto”

Goobjoog News