U bood dhigaalka

Xildhibaan Dhalxa: Waxa Mooshinka Wado waa Xildhibaanno Wasiirro ah oo Weerar Iska Difaacaya

Sheeko:Baarlamaanka

Mooshinka ka dhanka  ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ma aha mid xukuumadda ay waddo, laakin waa difaac ay ka wadaan Xildhibaanno wasiirrada ka tirsan, sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Xildhibaan Dhalxa oo arrinkan ka hadlayey waxaa uu yiri“Xukuumadda Mooshin ka waddo, Ra’isul wasaare Mooshin saxiixay ma arag, wasiir aan Xildhibaan aheyn oo wax saxiixay ma jiro, waxa mooshinka wado waa Xildhibaanno wasiirro ah oo iska difaaca weerar lagu soo qaaday, xaq ayey u leeyihiin taas, Jawaarina waa geystay dhammaan wax walbo oo lagu eedeeyay”

Xildhibaan kale, oo isniintii Goobjoog News la hadlay waxaa uu sheegay in Jawaari kulankiisa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in xukuumadda ka laabato Mooshinka, ciidamadana ka qaaddo aqalka golaha shacabka si wada hadal u dhex-maro labada dhinac.

Hadalkan Xildhibaan Dhalxa waxaa uu ku soo aadayaa iyaga oo shalay Xildhibaanno wasiirro u badan isugu yimaadeen Hotel magaaladaha ah iyaga oo sheegay in tiro ahaan gaarayaan 197 Xildhibaan, kooxdan ayaa Jawaari ka dalbatay in uu is-casilo.

Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yir “ilaa Axadda ayey heystaan in mooshin-ka aqalka la keeno, “92” Xildhibaan oo Keliya Ayaan u baahannahay si loo difaaco sharciyadda Guddoomiye Jawaari. Cidda Dhoola-tuska beenta ah sameysay ayaa laga rabaa in ay keensadaan tiro wax ridi karta.

Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah.

Qaabkan, waxaa ay ka duwan tahay xukuumadda,  oo qodobka 69aad, faqrada (d) iyo (e) ayaa qeexaya qaabka loo maro meel-marinta iyo ceyrintaba, tusaale ahaan faqrada(d): Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1, iyo faqrada (e)            Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha.

Si loo sii adkeeyo nooca codeynta golaha shacabka, qodobka 5-aad ee xeer-hoosaadka waxaa ku xusan, Qaabka loo dooranayo guddoomiyaha golaha iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana la adkeeyay shuruudda ku qoran qodobadka 65aad ee dastuurka, oo ah cod qarsoodi a