U bood dhigaalka

Xildhibaan Dhuux “Nidaamka 4.5 Ayaa Caqabad Ku Ah Horumarka Dalka”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in nidaamka awood qeybsiga 4.5 uu yahay caqabad hortaagan dadka Soomaaliyeed iyo beelaha intaba.

Xildhibaanka oo u waramayay Goobjoog News ayaa sheegay in iyadoo aan nidaamkaan laga gudbin aysan Soomaaliya u toosi doonin hiigsiyada kala duwan ee la doonayo in la gaaro sanadka 2016.

“4.5 waa midka wadanka haysta, waa caqabad hortaagan dalka, sidaan hadda loo wado uma arkayo in dhibaato looga baxayo, wax la’isla ogol yahay maanta ma jiraan, maamul gobaleedyada iyo 4.5 midna xal ma ahan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhanka kale Xildhibaan Dhuux ayaa sheegay in todobaadka xurrriyada ay dareensiisay waayihii hore ee dalka soo maray, waxaana uu Allah uga baryay dadka Soomaaliyeed inay noqdaan kuwo isku jeclaada sida Soomaalidii hore oo kale, taas oo uu tilmaamay in iminka aanay muuqan.

“Ilaahay dalkaan Raxmad ha u keeno, sidii shalay Soomaalinimo loo raadiyay oo kale, dadkaan uma muuqdaan kuwo taasi sameyn doona, laakiinse ilaahay dadkaan Albabaab ha u furo, 26-ka June waxaan u tacsiyadeenaynaa dadkii xurnimada keenay oo maanta abaalkooda sidaan aan ka dhignay” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaanka.

Dad badan ayaa qaba aragti ah in caqabad ballaaran uu yahay nidaam beeleedka 4.5, waxaana dadka qaar ay sheegaan in horumarka dalka waxa hortaagan uu qeyb ka yahay nidaamkaasi.

Goobjoog News