U bood dhigaalka

Xildhibaan Dowladda Dhexe iyo Galmudug  Ku Eedeeyay Inaaney  Daacad ka Ahayn Nabad Lagu Soo Dabaalo Gobolada Dhexe

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanka Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysiga gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Dowladda iyo Galmudugba aysan daacad u aheyn in nabad lagu soo dabaalo goboladda dhexe Ee Soomaaliya.

Xildhibaanka  ayaa sheegay in aanay jirin cid ka socota maamulka Galmudug oo Ahlu Suna La Kulantay Ama diyaar u ah Xal siyaasadeed.

” Wax hadda socda oo dib u heshiisiin ah oo ka dhexeeya maamulka Galmudug iyo maamulka Dhuusamareeb jooga ma jiraan haba yaraatee, waxa aan aragnay oo ugu dambeeyay waxay ahaayeen weerar iyo dagaal oo xagaa laga soo qaaday laakiin war-nabadeed iyo wadahadal xaggaa noogama imaan hadda ka horna ma’aaney dhicin” .

“Dowladda dhexe wali waxay bilowday lama arko wax qalbiga ku jira anigu ka sheekeyn mayo, waxaan ka sheekeynayaa waxa waaqica ah oo dhacay, ma jiro waxaan ka warhayn oo howshaa ku saabsan, wax wadahadal ah ma jiraan oo toos ah iyo mid aan toos ahayn oo dadban intaa midnaba ma haynno, waxaan maqlay maahane, taasina waxaan u qaadanay iney fadhi ku dirir aan war rasmi ah ahayn”.

Xildhibaanka ayaa si toos ah u sheegay inuu taageersan yahay maamulka gobolada dhexe una matalo baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu xusay inuu caqabado kala kulmo xafiisyada dowladda dhexe , sababtuna ay tahay taageerada uu u hayo maamulka Dhuusamareeb, waxa uuna intaa sii raaciyay inaaney helin saamigii gobolada dhexe ee dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan maamulka gobolada dhexe ee Ahlu-sunna wal jamaaca, dhanka kale waxay caasimad u tahay maamulka Galmudug oo aan illaa hadda ku shaqeyn, majiro wax wada hadal ah oo miro dhal ah oo labada dhinac ay si nabad ah ugu dhameynayaan khilaafka dhexdooda ah.

Goobjoog News