U bood dhigaalka

Xildhibaan dowladda ku dhaliilay in ay hor istaagtay shir ka furmi lahaa Garbahaareey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay hor istaagtay shir la doonayay in lagu qabto degmada Garbahaareey oo gogol xaar u ahaa shirka Kismaayo dhaliilna u jeediyay xukuumadda Soomaaliya.

Xilli qaar ka mid ah beelaha wada dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo aysan ka soo qeyb gelin shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo Gedo ee ka furmay magaalada Kismaayo ayaa xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu mas’uuliyadda arintaasi dusha uga tuuray xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac ayaa tilmaamay in dowladda lagu war geliyay shir uu sheegay in ay qorsheynayeen in lagu qabto degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo isla markaasina lagu mideeyo aragtiyada siyaasiyiinta gobolkaasi si fikir mideysan ay ula tagaan magaalada Kismaayo hase ahaatee ay dowladdu si ka fiirsi la’aan ah uga qeyb gashay shir aysan dadku u dhameyn arintaasi oo uu sheegay in ay keentay ka baaqashada beelaha qaar ay uga baaqsadeen shirka Kismaayo.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo beegmay xilli 15-kii bishan ay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay Muqdisho ku sheegeen in Garbahaareey ay ku qabanayaan shir gogol xaar ah inta uusan furmin wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

16-kii bishanna madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kismaayo ka furay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo hore u ogolaaday in uu ka qeyb galo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo ayaan ka mid ahayn ergooyinka goob jooga ka ah shirka Kismaayo.

Hoos ka dhageyso codka: