U bood dhigaalka

Xildhibaan Fadhaaye “ Socdaalka iyo Geediga Ciidanka Galkacyo isku horfadhiyay”

Sheeko:Dalka

Xildhiaan Fadhaaye oo ka tirsan Xildhibaanada Federaalka oo ku sugan Galkacyo kana qeybgalaya Qado ay Puntland ku sameysay Waqooyiga Galkacyo ayaa sheegay in ay socdaan geediga ciidankii isku kor fadhiyay Magaalada Galkacyo.

Xildhibaan Fadhaaye“ Socdaal iyo Geediga Ciidanka Galkacyo isku horfadhiyay ayaa Socda, Marka la dhameeyo 4:ta Galabnnimo, waxaa Kormeeri doonaa Furimaha ay fadhiyeen Ciidamada iyo Gaadiidka Dagaalka” ayuu Goobjoog News u sheegay.

Xildhibaanka waxaa uu intaa ku daray in Ciidanka ay ka bixi doonaan maagalada Galkacyo iyagoo dagi doona ilaa 30 KM halkaas oo Beri Ra’isul Wasaaraha u dalbay in loogu hilib qalo ciidanka.

Xildhibaanka waxaa uu carabka ku dhuftay in maanta 4-5 galabnimo ay Madaxda Federaalka, Xildhibaanada, Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ay ku mari doonaan socdaal nabadeed.

Madaxdan waxaa ay hubinayaan goobaha ay ciidamada ka baxeen iyo meelaha la geeyay, arrintaas oo qorshaheeda lagu jiro.

Xildhibaanada Federaalka, Golaha Xukuumda iyo Labada Maamul ayaa ka shaqeyn doona hirgalinta heshiiska iyadoo la kormeeri doono.

Waxaa jiro sida uu sheegay dad ka tirsan Barakacayaashii oo soo laabanaya iyagoo loo sheegay in dhibkii dhacay mid Xalay Dhalay ah.