U bood dhigaalka

Xildhibaan Fadhaye “Madaxda Dowladda Dhexe Ayaa Diiddan Hor u Socodka iyo Sharciyadda Dalka”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Fadhaye oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in fashilkii ku yimid shirkii Kismaayo ay sabab u tahay markii la gabay biseylkii dowladnimo iyo dowlad wanaagga.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in mas’uuliyadda fashilka shirkii Kismaayo ay tahay inay qaataan madaxda Qaranka.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in dalka uu leeyahay sharciyad iyo nidaam, lana doonayo in madaxda qaranka ee doorkooda wanaagga ah ka qaadaneyn badbaadada qaranka in waxa laga qabto.

“Aniga waxaan qabaa in arrinataasi markeedii horeba ay ahayd wax aan dowladnimada iyo maamul iyo nidaam dowli ah midna aan asal u ahayn, sababtu ayaa ah dalka waxa uu leeyahay maamul, dowlad, Dastuur, sharciyad marka in la yiraahdo  awoodihii oo dhan waa laga qaaday, dalka sharci malahan waxay tahay ayaan darro ay sameeyeen mas’uuliyiinta qaranku, taasi waxay keentay in dalka Soomaaliya maanta god xun uu ku dhacay walibana aan aaminsanahay in godkaasi hadii umadda Soomaaliyeed wadatashi iyo isku tanaasul iyo dantooda wada eegayaan isku meel maslaxadda qarannimo ka eegaan oo aan isku haleynno dadka mas’uuliyiinta dadka u ah inay kasii xumaaneyso oo meel xun sii tageyo, madaxda sare ee dowladda dhexe waaye waxa wax qaribaya oo hor u socodka iyo sharciyadda dalka aan ogoleen” ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa Maxamed Cabdullaahi Xasan Fadhaye ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay ka feejignaadaan dano gaar ah oo ay u daacad noqdaan shacabka ay u adeegayaan.

Goobjoog News