U bood dhigaalka

Xildhibaan Fadhaye Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Dhabta Ah Ee Ka Jirta Xabsiyada Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga dabagalka iyo U kuurgelidda xabsiyada dalka ee ka tirsan baarlamaanka Federaalka ayaa ka warbixiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku soo arkeen maxaabiista ku xiran xabsiyada Muqdisho, waxayna sheegeen habka ay baaristoodu u socoto.

Guddiga ayaa ka kooban afar guddi oo Baaralmaanka Federaalka ah, Guddiga xuquuqul-insaanka, guddiga Anshaxa, guddiga Amniga, iyo guddiga Cadaaladda, Afartan guddi ayaa loogu talagalay iney kormeer ku sameeyaan xabsiyada dalka oo laga soo sheegayay dhibaato farabadan iyo eedo badan , sidaa owgeed guddigan loo magacaabay degreeto madaxweyne oo uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kusime madaxweyne ahaa 4 Maarso 2016.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Fadhaye oo ka tirsan guddiga ayaa wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News kana war bixiyay xaaladda dadka xabsiyada ku jira iyo wixii ay kusoo arkeen illaa iyo hadda, waxa uu yiri; ” Howsha waan gudo galney , wey bilaabatay CID iyo laanta xisbiga ee Nabad Sugiddu gacanta ku hayso labadaba waa la soo maray,  welina wey socotaa baaristu, arrintu hadda meel fiican ayey mareysaa, waxaa la yiri laba kala bariday kala war la’  waxaa laga yaabaa sida wax loo tuhmayo inaan wax u jirin, haddey wax jiraan kolley waa wax aan soo bandhigi doonno”.

Waxa uu intaa ku daray ” hadda waxaan qoonsanno oo dhibaato weyn ah oo sidii guddiga loo sheegay ah oo musiibo weyni ma jirto, sidaas wax uma aha, umadda Soomaaliyeed baan u shaqeynaa; laakii weli baaritaanka qeybtiisii labaad ayaan mareynaa illaa lix qeybood waa noo hartay”.

Xildhibaanku waxa uu ka warbixiyay sida ay baaritaanka u sameeyaan ” saraakiisha booliska iyo Nabadsugiddu aadbay noosoo dhaweeyeen Labada Janaraal ee Labada ciidan kala haysta waa la kulanney, Laba Janaraal bey noo magacaabeen oo si toos ah noola shaqenaya oo noo diyaarinaya meesha aan tageyno, xabsiga marka aan tagno waxaan la kulanaa saraakiisa xukunta xabsigaas, waxay noo sii gudbiyaan maxaabiista, annaga iyo maxaabiista ayaa isku madax bannaan, noloshooda, jawiga ay ku nool yihiin sida ay u noolyihiin, waxaas oo dhan wax laga tagayo ma leh”.

Kulan 100 xildhibaan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhex maray xarunta guddoomiyaha Baarlamaanka ee Villa Hargeysa 21 Febraayo oo ay xildhibaanadu su’aalo ku weydiiyeen Madaxweynaha ayaa waxaa ka soo baxay in la magacaabo guddi kormeer ku sameeya xabsiyada dalka oo laga sheegay xaalad aad u daran iney ka jirto, maxaabiista ku xiranna ay la kulanto tacaddiyo ka baxsan habka baarista.