U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi “Baaris Adag Ayaan Ku Haynaa Wixii Ka Dhacay Gaalkacyo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka, sidoo kalena ka tirsan guddi dhowaan uu golahan u saaray iney soo baaraan dhacdadii dadka lagu laayey ee ka dhacday Gaalkacyo, ayaa sheegay iney bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan ehlada dadkii la dilay.

Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in halkaasi ay kasoo diyaarin doonaan warbixin dhammeystiran, iyaga oo kaashanaya xildhibaanno kale oo Gaalkacyo uga sii horreeyey.

Sidoo kale, xildhibaan Axmed Macallin ayaa sheegay in maanta ay la kulmi doonaan waxgaradka dadkii la laayay, sidoo kalena ay sameyn doonaan baaritaanno dheeraad ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News