U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi “Madaxweynaha Wuxuu Aaminsan Yahay Xoog Iyo Inqilaab”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qeyb ka yahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira golaha shacabka.

Fiqi ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu aaminsan yahay in dalkaan uu ku maamulo xoog, inqilaab, uuna diyaarinayo ciidamo uu doonayo in dalka uu ku qabsado, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay xoog, inqilaab, ilaa khilaafkaan jiray Hal bil wasaaradda gaashaandhigga ayuu ku sugan yahay, ciidamo uu diyaarinayana waa kuwo uu rabo in dalkaan xoog ku qabsado…madaxweynaha xukuumadda ayuu xigsaday, shaqadanna qeyb buu ka yahay” ayuu yiri xildhibaanka.

Khilaaf xooggan ayaa hadda ka dhex jira xildhibaannada golaha shacabka, kadib mooshin laga keenay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka xildhibaanka

Goobjoog News