U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi: Madaxweyne Farmaajo Waan La Hadalnay, Nooma Jawaabin,..Waana Ku Faraxsan Yahay Waxa Galmudug Ka Socda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo haatan ku sugan magaalada Cadaado halkaas oo isaga iyo xildhibaanno kale oo labada aqal ah ka socda ay u joogaan xal u helidda qalalaasaha  siyaasadeed ee gobolka ayaa Goobjoog News siiyay wareysi gaar ah.

Mudane Fiqi, waxaan ugu horeyn weydiinay halka ay wax marayaan, waxaa uu ku jawaabay“ Waxaa ay wax marayaan hadda in waan waantii aan wadnay la carqaladeeyay,  waxaan mareysaa in la isku dayey  xasiloonidii deegaankaan ka jirtay in lagu xad-gudbo dagaalo iyo colaado laga sameeyo  oo lacagtii dowladda lagu soo kiciyo maleeshiyaad iyo ciidamo meela kale degan”.

Fiqi oo sii hadlaya waxaa uu yiri“Waxaan ku guuleysanay in ciidamadii magaalada aan ka saarnay waxaan ku guuleysanay in magaalada xasaraddii ka jirtay aan dajino, waxaan ku guuleysan doonaa Insha-alaah in garoomada Galmudug la furo oo kal dhow la furo, waana kala hadalnay madaxweynihii in warqad kale soo saaro arintaasi, Waxaan ku guuleysanay in odoyaashii dhaqanka oo iska lahaa oo wax ka halaabayey in aan mas’uuliyaoodooda dareensiino in iyagana furuhii xalka aan u dhiibno, runtoo waxaan kaloo la kulanay maamulka dhinacyadiisa kala duwan oo u dhaxeeyo khilaafka, waxaana ku baraarujinay inay ilaaliyaan xasiloonida wixii khilaaf jirana wadahadal lagu dhameeyo.

Waxaan weydiiney Fiqi,  Makala hadasheen Madaxweyne Farmaajo? “Dowladda ayaan ka tirsannahnay hay’addeeda ugu weyn baarlamaanka waa hay’adda ugu ballaaran saddexda hay’adood ay dowladda ka koobantahay, anaguna waan nahnay hay’addii ugu ballaarneyd, madaxda qaranka ayaa la kulanay oo madaxweynaha uu ka mid yahay iyo wasiiro waxaan u sheegnay in aan arinta looga sii darin oo dabkii abaartii dagaaladii colaadii ka jirtay Galmudug iyo maamulkii oo curdun ah in aan khilaaf iyo shido laga shaqeyn xoolaha dowladdana aan lagu fan gareyn arrintaas madaxweynaha waan kala hadalnay, …. wuxuuna runtii nagu yiri kolay dad ay wax kala dhaxeeyeen ayaan kala soo tashanayaa ayuu nagu yiri wax jawaabana naguma soo celin, waxayna noogu muuqataa inuu ku faraxsanyahay waxa Galmudug ka socda.”

Xildhibaan Fiqi waxaa uu sidoo kale ka hadlay in lacagta dowladda federaalka ah loo isticmaalay qaska Galmudug“Way fududahay saddex cadeymood oo banaanka taalo ayaa jirta, wasiiradii dowladda ayaa si muuqata oo cad uga shaqeynaya arrintaan khilaafka ah ee jirtay iyagaa murashixiin soo diray, lacagtii dowladdana oo qasnadaha dowladda ka socotay xajmiga ay la egtahay malyan iyo wax ka badan ayaa loo soo diray deegaankaan oo xildhibaanadii lagu laaluushayaa oo shacabkii iyo ciidankii lagu laaluushayaa oo umadda in la iskaga horkeeno loogu shaqeynayaa . “Arrinta xigtana waxay tahay mar uu shir ka dhacay Hoteel ka mida Hoteelada oo xildhibaanada ay yiraahdeen madaxweynahaa ridnay toban daqiiqo-labaatan daqiiqo ka dib wasaaradda arrimaha gudaha, wasiiru dowlaha warqad ayuu iska soo saaray oo uu leeyahay waxaas ayaan ictiraafsanahay, marka waa wax iska muuqda oo iska cad oo qayaxan xitaa dabool in la saaro ayey ku rooneyd “.

Xildhibaanka Axmed Macalin waxaa hadaladiisa ka mid ahaa“Illaa iyo hadda waxaa kaloo daliil ah in wasaaraddii arrimaha gudaha iyo Ra’iisulwasaarihii iyo madaxweynihii iyada oo Khilaaf deeganadii Galmudug oo ay ka soo jeedeen oo khilaaf ka jiro in wax kalimad ah ma  aysan ka dhiiban saas owgeed ay u muuqdaan dadaan mas’uuliyadda qaadi karin oo masuuliyaddaba ay ku culustahay in ay u maddaan u hayaan,waayo hoostaada waxa ka dhacayo ugu yaraan dalkaani hadaad mas’uul ka tahay aad ka gilgilato”.

Su’aal ku saabsan, Ma arrin gaar ah ayaa jirta oo Dowladda Galmusug ku beegsaneyso?  “Hirshabeelle ayey ka bilaabatay Madaxweynihii Hirshabeelle dowladdii Fedaraalka aheyd bey wax isku fahmi waayeen waa tii la iclaamiyey in shir uu Balcad ku qabanayo aayaha Mugadishu iyo waxaas looga hadlayo iyo gobolka Banaadir, Dekadda Ceel-macaan ayaan fureynaa waa kii  yiri isla markiiba weerar iyo duulaan bay ku qaadeen lacagihiiba ayey ka gooyeen Maamulka, lacagana way ku bixiyeen baabuurtii Dowladda iyo Ciidankii Dowladda Kulli ayey ku fasaxeen sidii lo ogaa ayaana looga qaaday, marka Galmudug waxay noqotay Maamulka kaloo nugul oo aadka u jilicsan oo shaqsiyaad calooshood u shaqeystiyaal ah laga heli karo….”.

Galmudug ma burburtay mar aan su’aal la weydiinay waxaa uu ku jawaabay“Waxaan leenahy Galmudug burburin meyso inta aan soo jeedno oo aan taanahnay, Laakiin dhabankeeda in dhulka la dhigo waa la isku dayey dadka qaar hadii ay aheyd laheyd sida ay u rabaan maba soo gaarteemba hadda waay u gigsaneysaa Maamuladana turaaturooyin iyo caqabado way la soo gudboonaadaan,  mid ka mida duulaankaan madaxtooyada Villa Soomaaliya ay ku soo duushay Galmudug waxaan aaminsanahay in ay iska celin doonto, meeshaan Galmudug la dhaho haddii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre waa meesha dadkeeda beebayaashii iyo kaarayaashii dowladda markii loo adeegsaday in qabaa’il lagu doodsiiyo, meesha dowladda dhexe dumisay waaye, Farmaajo waxaan leenahay waa inuu taariikhda uu dib u raaco waa inuusan ku degdegin, waxaan maqlay in Koofur Galbeed hadana ay ku mashquulsanyihiin, uusan sababin in dadkaan Muqdisho uu is kugu geeyo mar labaad, 8 Febraayo madaxweyne Farmaajo dadkii ku farxay waxay u badnaayeen Galmudug anagaa aheyn xildhibaanadii doortay marka waxaan is leeyahy wax kale ayuu iska dhaadhacsiiyey”.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Dhameystiran: