U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi “Muqdisho Waxaa Loo Ekeysiiyey Furin” (Dhageyso)

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka ay ayaan darro weyn haysato, maalin walbana ay ka dhacaan waxyaabo amniga la xiriira oo dhibaatooyin ah loona geysto shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay mudanaha in sidoo kale ay dadka Soomaaliyeed dhibaato badan ku qabaan waddooyinkaan xiran, sidoo kalena shacabkii iyo xildhibaannadii gacanta loola tagay.

Magaalada Muqdisho ayuu sheegay iney u muuqato in loo ekeysiiyey mid furin ah, madaxda joogtana ay shacabka ka shakisan yihiin sidaasi darteedna shacabka loo arko sida kuwo cadow ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamada ammaanka loo adeegsado dhibaateynta shacabka iyo mas’uuliyiinta (Xildhibaannada).

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News