U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi “Sharciga Saxaafadda Wuxuu u Egyahay Sharciga Xilligii Milatariga”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mudanyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xeerka saxaafadda ee shalay la horgeeyay golaha wax ka bedalkiisa inuu yahay mid caburinaya saxaafadda xorta ah.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dunida horumartay aanay ka jirin wasaarad warfaafineyd, islamarkana saxaafadda loo daayey howlahaasi, sidoo kalena aanu jirin badi talefeshin qaran.

Fiqi ayaa tilmaamay in xerka saxaafadd ay ka buuxaan qodobo badan oo xilligaan la joogo aanu munaasab ahayn, kana hor imaanaya xorriyadda hadalka.

“Dadka intey codka gabsadaan oo sariiraha hoostooda iyo qolalka gudaha ku dhageysan jireen aya dadka isaga soo dhaceysa, waqtigaas ayaa isaga soo dhacaya markii saxaafadda la sheego , dowladdeena waxay u fikireysaa sidaas oo kale, xildhibaannada ama muwaadiniinta kale qaarkood waxay u fekerayan in xilligaas la joogo oo kale, lakiin adduunku xilligasi wuu ka gudbay, waxaa la jooga hadda xilli laga maarmay wasaaradda warfaafinta, caalamka hadda aan ku noolnahay dowladaha dimuqraadiga ah ee casriga ah wasaaradaha warfaafin oo dhan maleh, waxaa loo daayay saxaafadda xorta ah, xitaa talefeshinno oo dowladeed oo qaran inta badan ma jiraan, sharcigan markan dib u qooraansaday oo fiiriyey wuxuu u egyahay sharcigii xilligii Milatariga dalka maamulayey, mid kulligiis mamnuucyo ah, wax la mamnuucayey, ruqsad la diidayo, shati lala noqnayo iyo ciqaab melaha qaarkood ku xusan, wasaaradda warfaafinta oo awoodii oo dhanq qaadatay” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibannada baarlamaanka ayaa ka doodaya wax ka bedalka lagu sameyay sharciga saxaafadda dalka.

Goobjoog News