U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi “Soomaaliya Taladeeda Meel Xun Bay Ku Socotaa”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay hannaanka uu u shaqeynayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay Fiqi in madaxweyne Farmaajo aanu fulin ballanqaadyo badan oo uu sameeyay kahor inta aan xilka madaxweyne loo dooran iyo kadib.

Xxildhibaan Fiqi ayaa tilmaamay in Soomaaliya taladeeda ay ku socoto meel xun, isaga dhanka kale iska fogeeyey in dowlado shisheeye lacag uga soo qaatay duminta iyo carqaladeynta dowladda Federaalka.

“Runtii aniga hadallada marmarka qaarkood lama gambado marmarka qaarna waan ka xishoodaa laakiin Soomaaliya taladeeda meel xun bay ku socotaa marka caadifadda laga reebo, 27 sano kadib taladii Soomaaliya iney dad kooban ku uruursanaato ayaan darro waaye, marka wax la sheegayana wax toosin bay naga tahay, hub wax wata ma jiraan, aniga Farmaajo wasiir kama doonan, Ra’iisul wasaare kama doonan, agaasime kama doonan hadana kuma qanacsani qaabka uu wax ku wado, dowlad shisheeyana igu shaqeysan meyso, wixii uu balanqaaday dhan kama hayno ee uu dhahay waan la dirirayaa, waan keenayaa kama aanan arag, taas micnaheedu ma ahan dowlad shisheeye haddii la sheego inaad qabiil igu tuhuntid, Imaaraadna aniga lacag ima soo siin waad i taqaaniin, mooshin baan xitaa ka geeyay baarlamaanka Imaaraadka laftiisa sida uu ula dhaqmayo Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Hadalka xildhibaan Fiqi ayaa imaanaya xilli sidoo kale ay jiraan xildhibaanno iyo sidoo kale siyaasiyiin aad u dhaliilsan hannaanka shaqo ee dowladda Federaalka.

Goobjoog News