U bood dhigaalka

Xildhibaan Fowsiyo Oo Ka Hadashay Dhibaatada Haweenka ee Horumarka Dhinaca Siyaasadda

Sheeko:Baarlamaanka

 Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka qeyb gashay barnaamij aanu ka sameeynay dumarka sidii ay u heli lahaayeen saamiga 30%; ayaa Goobjoog uga warrantay dhibaatada haweenka ku xeeran ee horumarka dhanka siyaasadda.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa ugu horreyn ka hadashay caqabadaha dumarku ay ka waajahaan dhinaca dhaqanka:

“Gabdhaha dhibaatooyinka badan ee maanta ka haysta horumarka xagga siyaasadda waxa weeye; dhaqankii hore, iyagoo dhinac ka ahaa dad firfircoon baadiyahana ay iyagu wax badan qaban jireen, ayaa la oran jiray gabdhuhu muraayad iskuma arki karaan, middi waxba kuma goosan karaan, sonkorta shaaha kuma cabi karaan, waxyaalo saas ah oo isku dhex jiray ayaa jira”.

Waxay ka sheekaysay xilli gabdhuhu ay mooto magaalada ku mari jireen:

“Wakhtigii Lixdamaaka Dumarku aadbay ula mid ahaayeen ragga, markaad daawato muuqaaladii 50-aad waxaad arkaysay gabdho Soomaaliyeed oo mooto ku wata Xamar markii dambe ee dagaalada dheceen ee ay dhacday dowladdii Siyaad Barre; waxay ahaayeen horumar qeyru caadi ah, Soomaliya gabdheheeda waxay gaareen in Afrikada oo dhani ku faanto ku dayto, dhinac waxay noqdeen guntii reerka isku haysay, dhibaatooyin badan ayaa gabdhigii gaaray, dalku markii dagana wax badan baa kala miirmi doona”.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa waxay tilmaantay iney dhibaatada ugu weyn ee dumarka haysatay raggana aaney kula tartami karin ay tahay dhaqaalo xumo:

“Siyaasadda markay noqoto mushkuliddu waxay tahay, dhaqaalo xumo, gabadhu  hadday dahab haysatay way gadday, hadday daar lahaydna way iibisay, dhaqaalo darro aaney kula tartami karin raggii ayaa ku dhacay, siyaasadda iyo doorashooyinkuna waxay u baahan yihiin dhaqaale, siyaasadda macneheedu waa qorshe, si kale ayaa loo fahmay, waa qorshaha loo dajiyo dalka, caafimaad ha noqoto ama tacliin ha noqoto ama dhaqaale ha noqoto ama wax kastaaba ha noqotee, siyaasadaas iney ka qeyb qaadato, waxa weeye waxa aad muhiim u ah, laakiin caqabadahaas aan soo tilmamaay ee is wada huwan ayaa horjooga, waxaase wax lagu farxo ah oo soo muuqda jaamacadaha gabdhaha ku jira ayaa ka badan wiilasha hadda wakhtigan imika”.

Doorashooyinka dadban ee sanadkan dabayaaqadiisa laga filayo dalka ayaa waxaa dumarka loo qorsheeyay qoondo ah 30% oo iyaga u gaar ah, taas oo ay dumarku dadaal ugu jiraan sidii ay u xaqiijin lahaayeen iney si buuxda u helaan saamigaa u qorsheysan.

Goobjoog News