U bood dhigaalka

Xildhibaan Gaarane “Cabsi kama qabno mooshinka aan keennay, guusha waa inaan gudbinay 140 xildhibaan”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh, ayaa sheegay in xilligaan aanay wax wal wal ah ka qabin in dib loogu soo celiyo mooshinkooda, ayna gaareen hamigooda ah ilaa 140 Xildhibaan oo kasoo horjeeda xukuumada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka oo u waramayay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in hadda xildhibaanada Mooshinkaan ku saxiixan ay yihiin 140 mudane, xukuumadana ay ku dhacayso 139, sidoo kalena ay jiraan xildhibaano kale oo aragtidooda taageersan.

Waxa uu xildhibaanka rajo ka muujiyay in mooshinkaan sidii loogu tala galay ay u meel mariyaan, meeshana ay ka saaraan xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kulamada isdiidan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mooshinka, iyagana ay sii raadinayaan taageerada xildhibaano dheeraad ah.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News