U bood dhigaalka

Xildhibaan Geelle: Doorashada Galmudug Waxay Dhacaysaa 28-ka Bishan

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo kamid ah guddi xildhibaanno ah oo baarlamaanka Galmudug u xil saaray qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in 28-ka bishan ay si kama dambeys ah u dhici doonto doorashada.

Xildhibaankan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in markii horeba qorshaha doorashada ahayd 21-ka bishan, balse codsi uga yimid xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay 28-ka bishan uga dhigeen.

Waxa uu tilmaamay in mudadan aan dib looga dhigi karin doorashada waqtigaasi sababo la xiriirta abaarta, amniga iyo arrimo kale oo maamulka laga doonayo inuu degdeg ku qabto.

Sidoo kale xildhibaan Geelle ayaa sheegay iney maqleen oo kaliya codsi habeenkii xalay ahaa Ra’iisul wasaare Kheyre u jeediyey baarlamaanka Galmudug, taasi oo ah in muddo 45 cisho ah dib loo dhigo doorashada, balse codsigaasi yimid markii ay go’aankan gaareen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Codsiga Ra’iisul wasaaraha weli nama soo gaarin, laakiinse Idaacadaha baan ka maqlnay, wuxuuna codsigaasi yimid markii aan tashannay oo go’aankaan aan gaarnay, waqti badan baa soo lumay, shacabkii waxay na leeyihiin ma waxaad rabtaan inaad dumisaan codsiga iyo wax lamid ah, sidaasi darteed doorashada Galmudug waxay dhacaysaa 28-ka bishan oo ku beegan Talaado, musharraxiintana waxaa laga doonayaa iney araaidooda mudadaasi kusoo gudbistaan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dalbaday in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug 45 cisho, isaga oo taasi u sababeeyay arrimo badan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada