U bood dhigaalka

Xildhibaan Geelle “Dowladda Federaalka Ayaa Qaadeysa Mas’uuliyadda Wixii Ka Dhaca Cadaado”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qaadi doonto mas’uuliyadda wax walbo oo ka dhaca degmada Cadaado.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, wuxuuna u mahadceliyey xildhibaannada Labada aqal ee Cadaado gaaray,  kuwaasi oo uu sheegay in ay xaliyeen xaalad amni oo ka jirtay degmadaasi.

Waxa uu xildhibaan Geelle sheegay in ay jiraan shaqsiyaad hurinaya khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee maamulka Galmudug, wuxuuna tilmaamay in khilaafkaasi ay hurisay dowladda Federaalka, wixii dhacana iyada ay qaadi doonto mas’uuliyaddeeda.

Shaqsi musharrax ah oo uu sheegay in Cadaado uu ku sugan yahay iney dowladda dhexe ku taageereyso sidii loo burburin lahaa maamulka Galmudug.

Waxaa  meel sare gaaray khilaaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya madaxda Galmudug, iyadoo Xildhibaannada maamulkaasina ay Labo garab u kala jabeen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News