U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug Oo Sheegay In Xalka Kaliya Ee Xuduudaha Maamul Goboleedyada Yahay Mid Siyaasadeed

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay la qaateen guddiga madaxa banaan ee federaalka iyo xuduudaha, waxaanuu sheegay in fikirkiisu yahay in xalka kaliya ee xuduudaha maamul goboleedyadu ay tahay mid siyaasadeed.

Kulankan oo isugu jira wacyi gelin iyo wada tashi arrimaha xuduudaha waxaa soo qaban qaabiyay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo ha’yadda UNDP ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno kasoo jeeda Galmudug.

Xildhibaanka oo kulanka ka qeyb qaatay ayaa ugu horreyn sheegay in laga hadlay nidaamka Federaalka oo waxyaabo badan mugdi ku jiro iyo waxyaabaha sababay mugdigaas, sidoo kale xuduudaha ayaa laga hadlay, waxa uu sheegay in xubnaha baalramaanka ee kulanka joogay ay xooga saarayeen dhanka xuduudaha, waxyna taladoodu u badneyd xuduuda bannaanka oo ay dareemayanaa in culays badani ka jiro barri iyo badba.

Fakarkii mas’uuliyiinta kulanka waxaa ka mid ahaa xallinta khilaafyada xuduudaha maamul goboleedyada, iyadoo lagu taliyay in soohdimuhu noqdaan sidii 1991-dii, dadka qaarna waxay soo jeediyeen wixii hayb ku dhismay in sidooda ay ku habboon tahay, waxa ugu habboonna ay tahay in xal siyaasi ah loo helo, suurogalna aaney ahayn in goboladii loo raaco sidii ay ahayd, iyadoo la helayo gobol kala qeybsan oo laba dowlad goboleed ku kala jira, khasab iyo xoogna la iskuma laha.

Federaalka su’aalihii la iska weydiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa, maxaa saldhig looga dhigayaa?, umad kasta waxaa dastuurkooda saldhig looga dhigaa waxa ay ummaddu rumeysan tahay, waxaa shaki laga muujiyay in nidaamka federaalku uu yahay wax aan ahayn feker Soomaaliyeed; dadka iyo dalkana aan u qalmin.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay ra’yigiisa sida lagu xallin karo xuduudaha maamul goboleedyada ” Xalka kaliya ee loo heli karo xuduudaha maamul goboleedyadu uu yahay xal siyaasi ah, sababtu waxay tahay  Galmudug degmooyinka uu ka kooban yahay qaarna waxaa gacan ku haynteeda leh Puntland, qaarna gacan ku hayntooda waxaa iska leh Galmudug, xoogna waxba lagu dooni mayo oo waa waxa federaalka loo sameeyay, kalsooni darana ay ahayd waxyaabihii keeney nidaamka federaalka,w axaan qabaa xal siyaasi ah in laga geli karo, oo qolo waliba inta ay gacanta ku hayso loogu aqoonsado maadama dadkii ay ku habboonyihiin, meel kale oo lagu dari karo aaney muuqan, haddii dhinacaa loo maro way sahlanaan doontaa, laakiin dhinacyada kale oo dhan culeys ayaa iiga muuqanaya”.

Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka ayaa waxay rabaan iney xog uruurin badan ay sameeyaan ummadda meel kasta oo ay joogto, maadaama nidaamka federaalku yahay mid Soomaaliya ku cusub, iyagoo xog uruurin ka sameynaya dhamaan maalmulada dalka, ugu dambeynna kula laaban doona Baarlamaanka Federaalka oo isagu go’aan kama dambeys ah ka qaadan doona.