U bood dhigaalka

Xildhibaan Geeriyooday iyadoo Kulanka Baarlamaanka uu Socdo

Sheeko:Dalka

Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegayaa in uu dhintay kadib markii uu muddo Miyir Daboolsanaa, dhacdadan waxaa ay dhacday iyadoo ay socoto kulankii caadiga ahaa ee baarlamaanka dalka Kuwait.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa uu baarlamaanka la hadlay 5 daqiiqo ka hor geeridiisa isagoo dhaleeceeyay qaar ka mid Xildhibaanada iyo arrimo uu sheegay in wax u dhimayaan qiimaha baarlamaanka.

Xildhibaan Nabiil Al-Fadli waxaa uu ka tirsanaa Xildhibaanada dalka Kuwait, maata ayuu  xanuunsaday gudaha baarlamaanka.

Afhayeen u hadladuy wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka degdega isku dayeen in ay badbaadiyaan lakin ay ku guuldareysteen, isla markiina uu geeriyooday Xildhibaanka.