U bood dhigaalka

Xildhibaan Golaha Shacabka Oo Lagu Doortay Kismaayo

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ka dhacday doorashada kursi kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga loo tartamayey ayaa horey waxaa uga dhintey Cabaas Siraaji, waxaana ku guuleystay walaalkiis Maxamuud C/laahi Siraaje, oo helay 50 cod.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey ayaa wareysi ay siisay Goobjoog waxay ku sheegtay in doorashada ay si cadaalad ah u dhacday.

Waxay tilmaantay in jawi deggan ay kusoo dhammaatay doorashada, islamarkaana ergada wax dooraneysay ay codkooda ku bixiyeen si aan musuq ku jirin.

Xildhibaanka cusub ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa ka yimid dalka dibaddiisa, waxaana ulajeedka u yimid tahay sidii uu u buuxin lahaa booska uu walaalkiis ka dhintey.

Goobjoog News