U bood dhigaalka

Xildhibaan Goodax Oo Rajo Ka Muujiyay In Natiijo Lagu Qanco Ay Kasoo Baxdo Shirka Baladweyne

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay socdaal isaga iyo xildhibaano kale ay ku joogaan magaalada Baladweyne oo uu ka soconayo shir dib u heshiisiin ah.

Magaalada ayuu sheegay in ay u tageen sidii ay ula socon lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ah ee ka soconayo Baladweyne.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in shirkaan uu yahay mid wax badan ka bedali doona aayaha gobalkaasi, islamarkaana waxgaradka shiraya ay yihiin kuwo natiijooyin horudhac gaaray.

Goodax ayaa dhinaca kale sheegay in ay wanaagsan tahay in la taageero shirweynahaasi si ay uga soo baxaan wax miradhal u noqon kara shacabka reer Hiiraan.

Mar uu ka hadlay xildhibaanka beelaha ka maqan shirkaasi ayuu sheegay in beelaha ku sugan Baladweyne ay go’aansadeen in ay baxaan, islamarkaana ay u tagaan beelahaasi si looga qeybgaliyo shirka halkaasi ka soconaya.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa 1-dii bishan May ka furmay shir dib u heshiisiin ah, kaasi oo ay ka qeybgalayaan beelo badan oo horay xurguf uga dhaxeysay.

Goobjoog News